Google Meet

Somaliska

Kulanka is arag ee macallinka iyo ardaga (videomöte) waxaa loo adeegsadaa kulamada (google meet). Adeegso mareegakhriyaha (webbläsaren Chrome). Hadaad haysatid chromebook, adeegso ama isticmaal had iyo jeer

Sidee buu Kulanku u shaqeeyaa?

Si aad ugu biirto kulan – guji ama taabo (klicka) xiriirinta aad ka hesho macallinka (länk) kaddibna guji (gå med nu)

Mötesfönstret i Google Meet

Bilden ovan visar hur mötesfönstret ser ut när du gått med i ett möte.

  1. "Macluumaadka Kulan" - haddii aad rabto inaad dadbadan ku martiqaaddo kulanka.

  2. Calaamadaha makarafoonka, telefoonka gacanta iyo kamaradaha. Halkaan waxaad ka shidaysaa ama ka damin kartaa kaamirada iyo makarafoonka. Kulankaaga waxaad kaga bixi kartaa adiga oo ka damiya telefonka dhankaaga. Haddii ay dad badani ku jiraan kulanka, waxaa fiican in aad mikarafoonka iska xidho ama damiyso marka aadan adigu hadlayn! Deminta kaameeradu waxay yarayn kartaa in uu xumaado maqal iyo muuqaalkuba.

  3. "Soo bandhig hadda". Guji ama (taabo) badhankan si aad ugu soo bandhigto shaashaddaada, tusaale ahaan. dukumenti ama bandhig.

  4. Haddii codku ama muuqaalku shaqeyn waayo, guji saddexda dhibcood , waxaad ka helaysaa goobaha (inställningar). Ka dib hubi in makarafoonka iyo kaameeradu ay shaqaynayaan.

  5. Muuqaalka qofka ayaa muujinaya inta qof ee kulnaka lagu casumay ama ku jirta. Haddii aad riixdo calaamadda hadalka (pratbubblan) waxaad lahadli kartaa kaqeyb galayaasha kulanka. Way fiicantahay haddii aad rabto inaad wax weydiiso!

  6. Dhinaca midig: waxaad ku arkaysaa kaqeybgalayaasha ay kamaraduhu u daaran yihiin.

Si aad uga baxdo kulanka ka dami telefonka gaduudan ama cas ee shaashadda kaaga muuqda.