Taageerada Tignooloojiyada

Ciladaha Guud

Dhibaato ma ku qabtaa gelitaanka ciwaanka ardayga WPS?

Fadlan la xariir macalinkaaga ama iimeel udir mailadmin@worcesterschools.net si ay kuugu cusboonaysiiyaan baasweerkaaga. Marka la cusboonaysiiyo, baasaweerka ayaa noqon doona taariikhda dhalashada ee ardayga oo sideeda god ah: Bisha-Maalinta-Sanadka.

Cilad ma ku qabtaa aaladaada?

Iskuday mid kamid ah tallaabooyinka cilad bixinta ee guud:


Cusboonaysii Baroowsarkaaga Chrome:

Gudaha aaladaada, fur Chrome. 

Guji saddexda dhibcood, oo ka muuqda geeska kore ee midig.

Guji “Settings” (Sitinada). 

Guji “About Chrome (Xog ku saabsan Chrome)” (Geeska bidix ee shaashada). 

Chrome ayaa raadinaaya waxyaabo cusub kuuna sheegaaya haddii aad u baahan tahay dib u kicinta aalada (Dib u daarid) si Loo cusboonaysiiyo. 


Dib u sax Sitinnada Baroowsarka Chrome 

Gudaha aaladaada, fur Chrome. 

Guji saddexda dhibcood, oo ka muuqda geeska kore ee midig.  

Guji “Settings” (Sitinada).

Guji “Advanced (Xog dheeraad ah)” (Geeska bidix ee shaashada). 

Guji “Reset Settings” (Dib u nidamai Sitinada).

Guji “Restore settings to their original defaults” (Ku celi sitinada siday billoowgii ahaayeen).


Ka xaaq haraaga iyo reereebka gudaha aalada Chrome 

Gudaha aaladaada, fur Chrome. 

Guji saddexda dhibcood, oo ka muuqda geeska kore ee midig.

Guji “Settings” (Sitinada).

Guji “Privacy and security” (Sirta iyo amaanka) ee dhanka bidix.

Dooro "Clear browsing data" (Tirtir Xogta galitaanka baraha).

Dooro alaabaha aad rabto inaad tirto.

Guji "Clear data" (Tirtir xogta).

Wixii cilado kale ah oo dhan, fadlan raac habraacaan:

Muuqaallo Taageero

Haddii aad qabto cilad degdeg ah, waxaad la xariiri kartaa shaqaalaha gurmadka oo aad ka helayso iimeelka ama taleefoonka adoo adeegsanaaya liiska xariirka ee hoose.

CTA Support Contacts