Muwaadinimada Dhijitaalka ah

Waa maxay Muwaadinimada Dhijitaalka ah?

Muwaadinimada Dhijitaalka ah waa kula falgelida dareen ahaan dadka kale oonlaynka, qiimaynta saxnaanshaha xogta oonlaynka ah, u adeegsiga tignooloojiyada inay noqoto xoog wanaagsan, isku dheelitirka waqtiga oonlaynka, barashada sida loo dhawro badqabka oonlaynka, iyo si sax ah u daryeelida aaladaha.

Dhinacyada Muwaadinimada Dhijitaalka ah

Isku dheelitirta Warbaahinta iyo Faya Qabka

Fahanka sida la iskugu dheelitiro waqtiga shaashada ee nolol maalmeedka iyo barashada saamaynta adeegsiga aaladaha dhijitaalka ah ku leeyihiin faya qabka iyo xiriirada.

Learn More

Sirta iyo Amaanka

Barashada sida loo ilaaliyo xogta gaarka ah iyo abuurista fahan qoto dheer oo ku aadan xuquuqaha sirta xogta gaarka ah si qofku ugu doodo naftiisa iyo dadka kale.

Learn More

Raadka iyo Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Tixgelinta faa'iidooyinka iyo dhibaatooyinka ka imaan kara xog baahinta oonlaynka iyo sida bogga oonlaynka ah u saamayn karo dareenka qofka naftiisa, sumcadiisa, iyo xiriiradiisa.

Learn More

Xiriirada iyo Isgaarsiinta

Ku dhaqmida mabda'a dhisida xiriiro wanaagsan, iska ilaalinta wada sheekaysiyada oonlaynka ah ee aan amaanka ahayn, iyo fahanka sababta mawduucyada iyo wada sheekaysiyada qaar loogu gaar yeelo oonlaynka ama fool ka fool. 

Learn More

Gardarada la Isku mariyo Oonlaynka, Dagaalka Oonlaynka, iyo Hadalka Nacaybka ah

Ka feejignaanta mawduucyada dareenka badan xanbaarsan iyo wada hadallada oonlaynka ah ee xunxun si loo ilaaliyo bulsho oonlayn oo wanaagsan, lehna taageero. 

Learn More

Aqoonta Wararka iyo Warbaahinta

Aqoonsiga ilaha saxda ah iyo xogta runta ah, dhammaan ayagoo haddana fahmaaya masuuliyadaha labadaba abuureyaasha warbaahinta iyo dhageysteyaasha labadaba.

Learn More

Ilaha Ardayda

Ilaha Daryeeleyaasha