iPad-yada iyo Chromebook-yada

Worcester Public Schools waxey aaminsan tahay in helitaanka khibradaha waxbarshada dhijitaalka ah ay fure u tahay sinnaanta waxbarashada. Sababtaan awgeed, WPS waxay muhiimada saaraysaa siinta aalad arday kasta ayadoo aan wax qarash ah laga qaadayn qoysaska. WPS ayaa doonaysa inay abuurto bulsho ka kooban arday la hormariyay kuwaasoo adeegsada tignooloojiyada si loo yareeyo caqabadaha, ay u helaan xogta, ayna uga qaybgalaan goobaha waxbarashada dhijitaalka ah ee hadda iyo kuwa mustaqbalka.

iPads

Ardayda dhigata fasalada Pre-K iyo Birimada ayaa isticmaala iPad-yada. iPad waa taableed ku shaqeeya interneedka si uu u qabto shaqooyin badan wuxuuna si ootomaatig ah u kaydiyaa shaqada ardayda ee ku jirta ablikeeshinada oo si amaan ah loogu keydiyo interneedka. Marka uu arday galo aalada iPad asagoo adeegsanaaya ciwaankiisa Google ee WPS, way u fududahay inuu helo shaqadiisii hore, uu galo Seesaw si uu u helo layliyada, Ula kulmo macalimiinta, uuna u sameeyo layliyada asagoo adeegsanaaya ablikeeshino iyo webseedyo kala duwan.

Halkaan guji si aad u hesho Tusmada Aalada Ardayga oo buuxda

Chromebooks

Ardayda Fasalada 1-12 waxay adeegsadaan Chromebook-yo. Chromebook waa laabtoob ku shaqeeya interneedka si uu u qabto shaqooyin badan wuxuuna si ootomaatig ah u kaydiyaa shaqada ardayda ee ku jirta ablikeeshinada oo si amaan ah loogu keydiyo interneedka. Marka arday uu galo Chromebook asagoo adeegsanaaya ciwaanka google ka ee WPS, way fududahay inuu galo uuna ka shaqeeyo layliyada asagoo adeegsanaaya ablikeeshinada iyo webseedyada kaladuwan.

Halkaan guji si aad u hesho Tusmada Aalada Ardayga oo buuxda

Qalabka gelitaanka ayaa ku dara qayb aaladaha iyo ablikeeshinada si dhammaan ardaydu u geli karaan agabka waxbarashada. Hoos aad si aad u aragto sadexda nooc ee qalabka gelitaanka aalad kasta. 

Haddii aad doonayso inaad la hadasho shaqaalaha Worcester Public Schools adoo adeegsanaaya luuqad aan Ingiriis ahayn, Degmada ayaa leh turjumaannada khadka taleefanka oo ku hadla 240+ luuqadood kuwaas oo la heli karo xili kasta. Markaad soo wacdo dugsiga, u sheeg qofka ka jawaabaaya taleefankaaga inaad u baahan tahay turjumaan. Wax yar ayuu kuu sheegayaa inaad khadka ku jirto si uu kuugusoo qabto tujumaan laynka ku jira oo ku caawinaaya. Haddii marna aad u baahato inaad la hadasho macalin gaar ah ama shaqaale kale, waxaad sidoo kale u diri kartaa iimeel adoo u sheegaaya inay kusoo wacaan ayadoo turjumaan khadka ugu jiro, ama xataa waxaad ka codsan kartaa inay kuu mudeeyaan waqti aad shir muuqaal ah la gasho macalinka iyo turjubaan.

CTA iPad Accessibility Cheat Sheet_SM_FINAL.pptx.pdf
CTA Chromebook Accessibility Cheat Sheet_SO.pptx.pdf