Jawaab-celinta Helitaanka Luuqadda
العربية | Kabuverdianu | 中文 | English | Français | Kreyòl Ayisyen | Português | Soomaali | Español | Tiếng Việt
العربية | Kabuverdianu | 中文 | English | Français | Kreyòl Ayisyen | Português | Soomaali | Español | Tiếng Việt
Xafiiska Helitaanka Adeegyada Luuqadda (OLAS) ee Dugsiyada Dadweynaha Boston (BPS) waxaa ka go'an inay si macno leh qoysasku, oo ay ku jiraan kuwa u baahan isgaarsiinta luqad aan Ingiriisi ahayn, u helaan dhammaan adeegyada degmada, hawlaha, iyo barnaamijyada. Ballanqaadkan waxa ku jira hubinta in degmadu ay sii waddo kobcinta, hirgelinta, iyo joogteynta adeegyada luuqadda ee daboolaya luqadaha kala duwan ee ay ku hadlaan qoysaska BPS.
Si loo hubiyo in tayada fasiraadda iyo turjumaada la bixiyo ay buuxin karto rajada degmada iyo dhammaan daneeyayaashu ay leeyihiin, waxaana jeclaan lahayn inaan maqalno waalidiinta/mas'uuliyiinta BPS. Ujeeddadeenu waa in aan abuurno goob dhammaan codadka waalidka la maqlo lana tixgeliyo iyada oo aan loo eegin luqadda. Fadlan ku buuxi foomka Jawaab-celinta Waalidka oo ay ku jirto bogaadintaada, welwelkaaga, caqabadahaaga, iyo soo jeedinta lagu horumarinayo guud ahaan adeegyada helitaanka luqadda.
Si aad foomka u buuxiso, fadlan door luqadda aad door bidayso oo hoos u dhaadhac si aad u riixdo kan xiga (next). Waxa kale oo aad sawiri kartaa koodhka QR ee dhinaca midigta ah si aad u isticmaasho mobaylkaaga si aad u buuxiso foomka.
Waxaad sidoo kale daabacan kartaa, buuxin kartaa, oo ku soo celin kartaa foomka dugsigaaga iyo/ama u diri kartaa OLAS. Foomamka waxaa hadda lagu heli karaa sagaal luqadood oo waaweyn ee degmada waxayna ku xiran yihiin hoos si ay kuugu habboonaato.
Carabi, Keyb Feerdi, Shiineys, Ingiriisi, Faransiis, Heyti, Bortaqiis, Soomaali, Isbaanish, Fiyetnaamiis