Turjumaad
العربية, Kabuverdianu, 中文, English, Français, Kreyòl Ayisyen, Português, Soomaali, Español, Tiếng Việt
العربية, Kabuverdianu, 中文, English, Français, Kreyòl Ayisyen, Português, Soomaali, Español, Tiếng Việt
Dugsiyada Dadweynaha Boston (BPS) waxay bixiyaan Turjumaad luqadeed oo hadal ah kuna bixiyaan sagaalka luqadood oo waaweyn oo ay ku hadlaan qoysaska ay carruurtoodu dhigtaan dugsiyada Boston. Luqadahaas waa Carabi, CaboVerdiano, Shiinees, Faransiis, Haitian Creole, Boortaqiis, Soomaali, Isbaanish, iyo Fiyatnaamiis. Luqadahan ka sokow, BPS waxay taageertaa luqadaha kale marka la codsado.
Turjumaaddu waxa uu ku lug leeyahay xirfadda dhegeysiga farriinta lagu soo gudbiyo luqad oo loo tarjumo luqad kale, ha noqoto hadal ama luqadda dhegoolaha (faro-hadal).
Iyada oo ku xidhan nooca kulanka, degmadu waxay u qalabaysan tahay inay bixiso adeegyo turjubaano si xidhiidh ah ama isku mar ah iyo sidoo kale Luqadda Faro-hadalka ee Maraykanka iyo Isgaadhsiinta Turjumaada Wakhtiga Haddaba ah (CART).
Turjumaad xidhiidhsan: turjumaad xidhiidh ah waa marka uu turjumaanku hadalka fasiro ka dib marka uu qofkii hadlayey hakado ama dhameeysto hadalka.
Turjumaad Iskumara: turjubaan isku mar ah macneheedu waa marka uu turjumaanku turjuma isla waqtiga uu qofkii hadlayes wasli hadlayo, isagoo aan wax hakad ah lahayn.
Liiska soo socdaa waxa uu bixinayaa tusaalayaal marka adeegyada turjubaanka (qof ahaan, meel fog, talefoon ahaan) la heli karo:
Kullamada IEP/504 s
Kulamad Edbinta
Shirarka waalidka iyo macalinka/shirarka degmada
Kulamada Guddiga Dugsiga
Guryo furan
Kulamada kooxda waalidka (DELAC/SpedPac)
Qalinjabinta
Waalidiinta/Masuulka: Haddii aad u baahan tahay adeeg turjumaad iyo/ama turjubaan, la xidhiidh xafiiska weyn ee dugsiga ilmahaaga/carruurtaada. Haddii luqadda aad doorbidayso ee isgaadhsiineed aan ahayn Ingiriisi, degmada/dugsigu waa inay ku siiyaan "Macluumaad Muhiim ah" oo luqadda aad ku qeexday. Fadlan dib u eeg Xaashida Xaqiiqda DOJ ee caddaynaysa xuquuqaha gelitaanka luqadaada bogga Agabyada iyo Talooyinka.