Agabyo & Talooyin
العربية | Kabuverdianu | 中文 | English | Français | Kreyòl Ayisyen | Português | Soomaali | Español | Tiếng Việt
العربية | Kabuverdianu | 中文 | English | Français | Kreyòl Ayisyen | Português | Soomaali | Español | Tiếng Việt
Xaashida Xaqiiqada LEP ee Waalidka ee Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka waxay ka hadlaysaa su'aalaha guud ee kala duwan ee la xiriira xuquuqda waalidiinta iyo dadka ardayda masuulka ka ah ee aan aqoonta u lahayn Ingiriisiga, iyo sidoo kale mas'uuliyadda saaran dugsiyada iyo degmooyinka waxbarasho si ay u bixiyaan adeegyada kaalmada luqadda. Xaashida xaqiiqadu waxay ku siinaysaa macluumaad qiimo leh oo ku saabsan sida dugsiyada iyo degmooyinku ay si wax ku ool ah ugula xiriiri karaan waalidiinta iyo dadka ardayda masuulka ka ah ee leh aqoonta Ingiriisiga oo xaddidan iyo tillaabooyinka ay tahay inay qaadaan si loo hubiyo in caqabadaha luqadda aysan jidgooyo ku ahayn horumarka waxbarasho ee carruurtooda.
Guji isku xirka luuqadaada gaarka ah ee hoose si aad wax badan u ogaato!
English | Tiếng Việt | Soomaali | Português | 中文 | Kriolu di Kabu Verdi | Kreyòl Ayisyen | العربية | Français | Español
Foomka Kadhaafitaanka Adeegga Helitaanka Luuqadda Waalidka: Waalidiinta Ingiriisi xaddidan ee diida adeegyada kaalmada luqadda ee aan doonayn inay beddelaan luqada ay u doorbidaan la xiriirka, waalidkaasi waa inay buuxiyaan foomkan.
Foomka Codsiga Beddelka Luuqadda Isgaadhsiinta uu doorbido Waalidka: Waalidiinta/mas'uuliyiinta Ingiriisi xaddidan ee doonaya inay beddelaan "Dooritaanka Luuqadda Isgaadhsiinta Waalidka" waa inay buuxiyaan foomkan.
Foomka Oggolaanshaha Adeegyada Turjumaada Taleefanka: Si aad u bixiso ogolaanshaha ka faa'iidaysiga adeegga turjubaanka Taleefoonka inta lagu jiro kulan IEP ama kulan gaar ah oo la mid ah, fadlan buuxi foomkan.
Foomka Oggolaanshaha Hanti-dhawrka Fasiraadda: Haddii aad ku lug leedahay shirarka Waxbarashada Gaarka ah halkaas oo adeegyada turjubaanka lagu bixiyo ujeeddo hubinta tayada leh si loo hubiyo inaad hesho adeeg turjubaan oo sax ah, fadlan buuxi foomkan adoo siinaya Degmada (OLAS) ogolaanshaha ay ku fadhiisato (fogaan arag ama qof ahaan) si ay ula xisaabtamaan/kuur galaan shirarkaas.
I-Speak Cards waa qalab qiimo leh oo loogu talagalay shakhsiyaadka u baahan adeegyada kaalmada luqadda oo raba inay sheegaan luqadda ay doorbidaan inay kula xiriiraan shaqaalaha dugsiga ama degmada. Kaararkan waxaa lagu heli karaa sagaalka luqadood oo waaweyn ee degmada, iyadoo Isbaanishka uu ka mid yahay. Waxay bixiyaan macluumaad muhiim ah iyo fududeynta helitaanka QR-code ee Foomka Jawaab celinta Helitaanka Luuqadda ee degmada
Guji iskuxirka luuqadaada ee hoose si aad u gasho.
Carabi, Keyb Feerdi, Shiineys, Faransiis, Hayti, Bortaqiis, Soomaali, Isbaanish, Fiyetnaamiis
Buug-yaraha OLAS waxa uu bixiyaa macluumaadka ku saabsan adeegyada kaalmada luqadda ee la heli karo iyo sida loo codsado ama looga bixiyo jawaab celin.
Guji iskuxirka luuqadaada ee hoose si aad u gasho.
Carabi, Keyb Feerdi, Shiineys, Ingiriisi, Faransiis, Heyti, Bortaqiis, Soomaali, Isbaanish, Fiyetnaamiis
Xafiiska OLAS waxa uu diyaariyey liis ereyo inta badan la isticmaalo si xafiisku uga caawiyo sax u fahanka iyo ka warqabka macluumaadka ay degmadu ay dirto.
Guji iskuxirka luuqadaada ee hoose si aad u gasho.
Carabi, Keyb Feerdi, Shiineys, Ingiriisi, Faransiis, Heyti, Bortaqiis, Soomaali, Isbaanish, Fiyetnaamiis.
Khadka Caawinta BPS waa shaqaale taageero ee Xafiiska Dhexe oo bixiya macluumaadka, agabka, ama hagidda marka aad ugu baahan tahay. Waxaan ka shaqaynaa si aan u hubinno in bulshadeena BPS ay leedahay nidaam la isku halayn karo oo hufan oo ka jawaaba su'aalaha ama wixii walaac ah. Badanaa waxa loo yaqaan "311" -ka BPS, waxaanu ka caawinnaa kuwa nasoo waca, booqda, ama iimayl noo soo dira wax kasta laga, bilaabo macluumaadka aasaasiga ah ee ku saabsan dhacdooyinka iyo hawlaha ilaa taageerada qotada dheer ee xallinta dhibaatada marka khilaaf dhaco.
Caawimada waxaa si toos ah loogu heli karaa Carabi, Keyb Feerid, Faransiis, Heyti, Boortaqiis, Soomaali, iyo Isbaanish, iyadoo in ka badan 300+ luqadood oo dheeri ah laga heli karo adeegyadayada turjumaada telefonka.
For more information, call 617-635-8873 or email helpline@bostonpublicschools.org