ParentSquare
| Kabuverdianu | 中文 | English | Français | Kreyòl Ayisyen | Português | Soomaali | Español | Tiếng Việt العربية
| Kabuverdianu | 中文 | English | Français | Kreyòl Ayisyen | Português | Soomaali | Español | Tiếng Việt العربية
Dugsiyada Dadweynaha ee Boston (BPS) waxay iskaashi la sameeyeen ParentSquare, oo ah madal isgaarsiineed oo luqado badan ah, si ay ugu fududaato qoysaska inay si toos ah ula xiriiraan degmada, dugsiyada, iyo macallimiinta. Degmadu waxay bilowday isticmaalka ParentSquare bisha Agoosto 2024 si loo fududeeyo isgaarsiinta loona dhiirrigeliyo ka-qaybgalka qoysaska.
Iyada oo la adeegsanayo ParentSquare, isgaarsiintu way fududaan doontaa waxaana lagu heli doonaa hal meel!
Waxaad awoodi doontaa inaad:
Hesho warbixinno muhiim ah oo ku saabsan dugsiga iyo fasalkaaga
Wadaagto oo aad hesho sawirro iyo faylal
Ku ogaatid dhacdooyinka dugsiga adiga oo adeegsanaya jadwal dhexe
Si fudud ugu diiwaangeliso fursadaha iskaa wax u qabso
Ballan la sameyso macallimiinta
Waxaad habayn kartaa ogeysiisyadaada si aad fariimaha u hesho isla markiiba ama hal mar maalintii oo kooban, adigoo adeegsanaya iimayl, fariin qoraal ah, ama app-ka.
Madashu waxay leedahay app sahlan oo ku shaqeeya iPhone iyo aaladaha Android-ka. Tani waxay kuu sahlaysaa inaad hesho macluumaadka markaad u baahato, meel kasta oo aad joogto. Waxa kale oo ay fariimaha u turjuntaa luqaddaada si aad si fiican u fahamto.
Barnaamijka ParenSquare ee Qoysaska wuxaa loo diyaariyey aaladaha Apple iyo Android labadaba! Guji badhamada hoose, iskaan koodka QR ee u dhigma, ama dhagsii iskuxirka (link) si aad barnaamijkan uga soo dejisato Suuqyada Apple ama Google Play. Ku xidhnow barayaasha iyo maamulayaasha adoo ku isticmaalaya luqadaada hooyo ee madashan (App-kan) ParentSquare.