Adeegyada Helitaanka Luqadeed
العربية, Kabuverdianu, 中文, English, Français, Kreyòl Ayisyen, Português, Soomaali, Español, Tiếng Việt
العربية, Kabuverdianu, 中文, English, Français, Kreyòl Ayisyen, Português, Soomaali, Español, Tiếng Việt
Helitaanka luqaddu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hubinta in qof kastaa uu si siman u heli karo macluumaadka iyo adeegyada. Shakhsiyaadka leh aqoonta Af- Ingiriisiga oo xaddidan, awood u yeelashada in ay si wax ku ool ah dadka ula xiriiraan oo ay ku helaan macluumaadka luqadda ay doorbidayaan ayaa ah muhiimadda ugu weyn. Sida soodhaweyn loogu sameeyo dadka naafada ah, in la helo taageero luuqad ayaa laf dhabar u ah dhisidda bulsho loo wada dhan yahay oo furan.
Sababtan awgeed, BPS waxay u heellan tahay inay siiso waalid kasta macluumaadka oo ku qoran luqad ay fahmi karaan. Tani waxay kaa caawinaysaa in la hubiyo in qof walba si buuxda loo wargeliyay oo uu ka qayb qaadan karo waxbarashada ilmahooda. Aad baan ugu han weynnahay in aan leenahay siyaasaddan, waxaanan sii wadi doonnaa in aan mudnaanta siinno wada xiriirka waxtarka leh ee dhammaan waalidiinta.
Xafiiska Adeegyada Helitaanka Luuqadda (OLAS) waxa uu fududeeyaa helitaanka adeegyada luuqadda, taas oo ka dhigaysa xidhiidhka u dhexeeya degmada BPS iyo qoysaskeeda kala duwan mid dhici kara. Waxaan bixinnaa adeegyo badan si aan u daboolno baahiyaha dugsiyadeena iyo qoysaskeena. Waxaad riixi (gujin) kartaa isku xirka hoose si aad wax badan uga ogaato adeegyadayada.
Fadlan guji (riix) isku xirrada sare si aad macluumaad dheeraad ah u hesho.