Soo Dhawaada Qoysaska
العربية, Kabuverdianu, 中文, English, Français, Kreyòl Ayisyen, Portuguese, Soomaali, Español, Tiếng Việt
العربية, Kabuverdianu, 中文, English, Français, Kreyòl Ayisyen, Portuguese, Soomaali, Español, Tiếng Việt
Helitaanka Luuqadeed oo Macno leh
Xiriir wax ku ool ah iyo iskaashi lala yeesho qoysaska ayaa lagama maarmaan u ah xaqiijinta guusha waxbarasho ee ardayda. Xafiiska Helitaanka Adeegyada Luuqadda (OLAS) waxa ka go'an in uu horumariyo xidhiidhka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya dugsiyada iyo qoysaska iyo u fududeynta helitaanka barnaamijyada, adeegyada, iyo hawlaha degmada ee waalidiinta/mas'uuliyiinta u baahan in lagula xidhiidho luqad aan Ingiriisi ahayn, kharash la'aanna u ah qoysaska.
Buug-Yaraha OLAS waxa uu bixiyaa macluumaadka ku saabsan agabka iyo adeegyada ay heli karaan Dugsiyada Dadweynaha Boston si ay u taageeraan qoysaska ay koobantahay ama aan Ingiriisiga ku hadlin. Waxa kale oo ay ujeedadeedu tahay in qoysaska lagu baraarujiyo adeegyada iyo agabka caawinta luqadda ee jira, iyo sidoo kale waajibka ka saaran degmada in ay bixiso adeegyadaas.
العربية | Kabuverdianu | 中文 | English | Français | Kreyòl Ayisyen | Português | Soomaali | Español | Tiếng Việt
Fadlan guji iskuxirrada (links) kore ama booqo bogga Adeegyada Helitaanka Luuqadda si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah.
Si loo hubiyo in tayada fasiraadda iyo/ama adeegyada turjumaadda ee la bixiyo ay u qalanto rajada degmada iyo dhammaan daneeyayaasha, BPS waxay martiqaadayaan jawaab celin/wax ka dheh waalidiinta iyo mas'uuliyiinta. Hadafka ayaa ah in la abuuro meel loo wada dhan yahay oo dhammaan codadka waalidka la maqlo lana tixgeliyo, iyadoon loo eegin luqadda. Haddii aad hayso wax bogaadin ah, walaac, caqabado, ama soo jeedin ah oo ku saabsan horumarinta adeegyada guud ee helitaanka adeegyada luqadda, fadlan buuxi foomka Jawaab-celinta Helitaanka Adeegyada Luuqadda. Jawaab celintaadu waa mid qiimo leh waxayna naga caawin doontaa horumarinta adeegyadayada.
Fadlan guji Foomka Jawaab-celinta Luuqadaha badan si aad ugu hesho 10ka luqadood ee waaweyn ee degmada.
Dugsiyada Dadweynaha Boston (BPS) waxay fahansanyihiin oo ay qiimeeyaan doorka muhiimka ah ee waalidiinta iyo dadka masuulka ka ah ay ka ciyaaraan hubinta guusha waxbarasho ee caruurtooda. Taasi waa sababta ay degmadu ugu heellan tahay abuurista iyo ilaalinta waddooyinka wada-xiriirka furan iyo dhisidda iskaashi xooggan oo lala yeesho qoysaska si loo gaaro hadafkan. Si taas loo gaaro, waxaan hoos ku siinnay xoogaa agab iyo tilmaamo ah si ay kaaga caawiyaan inaad si fiican u fahamto adeegyada jira, xuquuqdaada adeegyadaas, iyo ugu dhaqanka ugu wanaagsan. Waxaad booqan kartaa bogga Agabyada iyo Talooyinka si aad macluumaad dheeraad ah u hesho.
Haddii aad uga baahan tahay kaalmada luqadda dugsiga ilmahaaga, si fudud wax uga weydii hoggaamiyaha dugsigaaga ama qofka jooga miiska hore. Waxaad tusi kartaa kaadhkaaga I-Speak (waxaan ku hadlaa) si aad ugu ogeysiiso luqadda aad doorbidayso in lagugula xiriiro. Haddii xubinta shaqaalaha ah ee aad la hadlayso aanu ku caawin karin, waxay heli doonaan xubin kale oo ka faa'iidaysan kara ama isticmaali kara adeegyada luqadda ee la heli karo si loo hubiyo in baahiyahaaga isgaadhsiineed la daboolay.
Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo adeegyada luqadda, waxaad wici kartaa lambarka taleefanka ee dugsiga oo aad weydiisan kartaa turjumaan. Shaqaaluhu waxay isticmaali karaan LionBridge si ay kuugu xidho turjumaan ku caawin kara. Waxa kale oo aad isticmaali kartaa ParenSquare si aad fariin ugu dirto macalinka ilmahaaga si aad u codsato ama aad wax uga waydiiso adeegyada kaalmada luqadda.
Khadka Caawinta ee BPS ayaa sidoo kale ujira halkan inuu ku taageero. Adeeggan cusub waxaa loogu talagalay inuu ka caawiyo xubnaha bulshada BPS inay helaan jawaabaha su'aalaha aasaasiga ah ama ay ku jiheeyaan ilaha(meelaha) ku habboon. Kala xidhiidh wixii gargaar ah Khadka Caawinta BPS lambarka 617-635-8873 ama iimayl ku soo dir helpline@bostonpublicschools.org.
Waxa kale oo aad kala xidhiidhi kartaa Xafiiska Adeegyada Helitaanka Luuqadda lambarka 617-635-7967 ama aad iimeyl noogu soo dirto languageaccess@bostonpublicschools.org