SOO JEEDIS KU AADAN ISBEDEL XEERKA OO AH GUDDI RAYIDH AH OO BOOLISKA LA XISAABTAMO
Maqaalka ___GUDDI RAYID AH OO LA XISAABTAMO BOOLISKA
Ujeedada Xeerkaan, “CPAC” micnaheeda waa Guddi Rayid ah oo la Xisaabtamo Booliska.
§___.1. - Sharciga
Mas’uuliyada CPAC, Magaalada waa in ay u diyaarisaa xakameeynta bulshada sharciyaasha oo waaxda booliska, miisaaniyada iyo la xisaabtanka.
§___.2. – Waajibaadaka iyo Awoodaha
(a) CPAC taan waa in ay sameeyaan shuruucda iyo nidaamyaasha looga baahan yahay waaxda booliska.
(b) CPAC taan waa in ay doortaan oo awood na u leeyihiin in ay amraan, ganaaxi doonaan ama ka eryi karaan shaqaalo walbo oo waaxda, kaasi oo ka mid ah madaxa booliska (Tani waa in ay waafaqdaa sharciyada gudiga adeega, lacala hadii uu shaqaalaha ka mid yahay mid howshiisa sir tahay).
(c) CPAC taan waa in ay aqbalaan cabashooyinka rayidka, hubiyaan in cabasshooyinka dib loo eegay, ayna gaadhsiiyaan warbixinta dadkii cabanaya. CPAC awood bay u leeyihiin in ay baaraan cabashooyinka oo idil.
(d) CPAC taan waa in ay baaraan dhacdooyinka halista ah, halisyada waxaa ka mid ah qatar walbo oo dhaawac qofka jirkiisa soo gaarsiinaysa ama sababi karto dhimasho hal qof ama dad badan, xitaa hadii aysan jirin eedayn dhaqan xumo ah.
(e) CPAC taan waa in ay dib u eegaan dhacdooyinka oo shaqsi walbo oo waaxda ka tirsan marka uu isticmaalo ama rido qorigiisa, Taysarkiisa, ama shay walbo oo qofka dhibaato ama dhaawac u geesan karo, xitaa hadii aysan jirin eedayn dhaqan xumo ah.
(f) CPAC taan waa in ay baaraan eedeyn maha dhaqanxumada booliska, taasi oo ka mid ah xad gudubyada sharuucda waaxda booliska, iyo eedeymaha takoorida ama anshaxa sharci darada ah.
(g) CPAC taan waan in si firfircooni ah ula socdaan dhaqamada booliska, ayna badalaan shuruucda u baahan badel, ama ay ganaax saaraan cida mutaysato.
(h) CPAC taan si joogta ah waa in ay u daabacaan warbixinada baaritaanyada, ficilada ganaaxida iyo CPAC shaqooyinkooda kale.
(i) CPAC taan waa in ay taladooda ah miissaaniyada waaxda booliska u jeediyaan golaha magaalada si loo anshixiyo.
(j) Mushaarka: CPAC taan ayaa ka mas’uul ah mushaarka guddomiyaha.
(k) Shaqaaleeynta
(1) Shaqaaleeynta iyo mushaarka. CPAC taan ayaa dabari doonto waxa loobaahan yahay oo ah shaqaalaha iyo mushaarkooda, maamulkana iska leh, oo ganaax ku rogi karo, ama shaqada ka eryi karo. (Tani waa in ay waafaqdaa sharciyada gudiga adeega, lacala hadii uu shaqaalaha ka mid yahay mid howshiisa sir tahay).
(2) Adeegyada aan sirta ahayn: CPAC taan ayaa ushaqaaleeyn karta adeegyada aan sirta ahaynmay sida:
(A) Qareenyada/Afhayeen;
(B) Baaraha; iyo
(C) Sarkaal walba ama shaqaalaha oo darajadooda tahay mid caadi ah ama sharciga qaas quseeya shaqadooda.
(3) Wakiilada Kale. CPAC taan ayaa shaqaaleen karta qandaraaslayaasha ama wakiilada kale markii loo baahdo.
§___.3. - Maamulka
(a) Qeebaha iyo Degmooyinka. CPAC taan waxa ay ka koobanyihiin 13 guddoomiyayaal oo degmada soo doorteen afartii sanaba. Dadka deegaanka oo idil oo codeyn kara xaq u leeyihiin in ay codkooda dhiibtaan taasi oo mid kooban ah ka qeeb qaadasha loo codeynaayo CPAC.
1) Dadka degmada oo codeeyn karo waxaa laga wadaa cid walba oo (i) degmada degan, (ii) oo da’dooda 18 sano tahay, iyo (iii) Oo sharciga gobolka Minnesota u ogol yahay in uu ka codeeyo degmada.
2) Xiliga is bedelkaan la dhaqan galinaaye, sharciga Minnesota ma ogolo dadka aan sharciga wadanka Mareykanka haysanin, ama danbiyada culus lagu xukumay in ay ka codeeyaan doorashooyinka deegaamaha. Hasi yeeshee, hadii sharciga Minnesota la badalo oo dadkaasi ogolaasho helaan ay ku codeeyaan qaar ka mid ah doorashooyinka deegaamada, is bedelkaan waxaa loogu tala galey in dadka deegaanka dagan oo da’dooda ogashahay, ama sharciga Mareykanak haysanin ama dad dambiilayaal ah oo dambi culculus lagu soo oogay si ay ooga codeeyaan doorashada CPAC.
(b) Aqoonsiga. Dadka uqalma shaqada waa in ay buuxiyaaan sharuudahaan:
(1) Musharxiinta CPAC waa in ay ugu yaraan 2 sano oo waayo aragnimo ah la soo hubsadey, ama khibrad u leh xaga ilaalinta shacabka ama xaquuqda aadmiga ama ah qof ka badbaade dhaqanxumada booliska, ama ah qof xubin qoyskiisa ka tirsan kuwa sharciga fuliyaan/booliska gacantooda ku dhintay, ama saameeyn ka soo gaarte anshax xumida iyo dhibaatooyinka booliska.
(2) Musharaxiinta CPAC waa in aysan aheyn kuwa xubin qooskooda ka tirsan u shaqeeyaan fulinka sharciga ama hada kahor ka soo shaqeeye sida booliska. Xubnaha CPAC waa in aysan waaxda booliska Minneapolis ka soo shaqeynin waligood ama qeebaha kale oo fulinta sharciga,ama qeybta Minnesota u xil saaran dabagalka dambiilayaasha, Garyaqaanka degaanka Hennepin, ama haayadaha sharci fulinta ama kuwa mas’uulka ka ah sarkaalyaasha fulinka sharciga.
(3) Musharaxa u ordaayo doorashada CPAC waa in uusan ka ogolaanin shaqsi aan degaankiisa ka baxsan meesha ay deegaankiisa tahay tabarucaad nooc walba ah xaga olalaha, ama kuwa fulinta sharciga ama haayadaha af hayeenka u ah sharci fulinta.
(c) Jagooyinka Banaan. Jagooyinka banaan waa in 90 beri gudahooda lagu buuxiyaa oo doorasho qaas ah loo qabtaa.
(d) Shuruucda. CPAC taan waa in ay shuruucda isticmaalaan marka ay shaqadooda qabanayaan.
§___.4. - Shirarka
(a) Shirarka joogtada ah. CPAC taan waa in ay ugu yaraantii kulmaan bishiiba mar.
(b) Xeerarka. CPAC taan waa in ay isticmaalaan shuruucda iyo xeerarka marka ay shirarkooda qabanayaan.
§___.5. - Dhaqaalaha
Golaha magaalada ayeey mas’uuliyada dhaqaalaha saarantahay si ay CPAC shaqadeeda u suuro gasho kana keenaan dhaqaalaha guud ee magaalada.
§___.6. – Soo Tebinta
Waa in ay CPAC xeerkooda ahaadaa mid shaqadooda oo idil bulshada la socoto si xisaabtan iyo hufnaan u jirto, taasi oo waafaqsan xeerarka gobolka Minnesota. (Minesota Gov’t Data Practices Act).
§ 7.2. – Waaxyada.
(a)(11) Waaxda Booliska,oo kormeerayaan guddi rayid ah oo booliska la xisaabtama. (qeebta 7.3);
§ 7.3. - Booliska.
a) Waaxda Booliska. CPAC taan ayaa awood ka leh waaxda booliska, xaga dayactirka, iyo amarkoodaba. CPAC taan ayaa dhaqan galineeysaa shurrucda iyo xeerarka looga shaqeeyo waaxda booliska. CPAC taan ayaa dooraneysa ama ganaaxi doonto, kana eryi karto shaqaale walbo oo ka tirsan waaxda, xitaa madaxa booliska. (Tani waa in ay waafaqdaa sharciyada gudiga adeega, lacala hadii uu shaqaalaha ka mid yahay mid howshiisa sir tahay).
(1) Madaxa Booliska
(A) Doorashada: CPAC taan ayaa soo dooraneysa madaxa booliska.