CPAC Hada!
Uruka rayidka ah oo la xisaabtamaayo booliiska
CPAC = Xakamaynta Bulshada ee Booliska
Oo badeli doono xeerka magalada Minneapolis.
Guddi Cusub oo ka kooban 13, oo ay soo doorteen dadka Minneapolis.
Oo baari doona cabashooyinka oo rayidhka dhamaantood.
Ku oogi doona ganaax Booliska falalkooda xun, iyo ugudbinta dhacdooyinka xaga dacwada markii loo baahdo.
Sameyn doona xeerarka, anshaxinta, qandaraasyada, miisaaniyadda. Shaqaaleen doono madaxa Booliska.
Baahideenana ugu soo jawaabi doonaan sida xaafadaha baahidooda tahay.
CPAC Fikradeeda ma’ahan mida hadda doorashada ka mid ah.
Kana duwan mida Yes4MPLS 2021 su’aasha codbixinta, CPAC ma’aha mid magaca kaliye ka badeli doonto booliska Mpls.
CPAC Waxa ay ka saareysaa duqa magaalada iyo golahaba in ay joojiyaan booliska shaqadooda.
CPAC shaqadooda kaliya waa kormeeritaanka waaxda booliska.
CPAC shaqadeeda waa la xisaabtanka iyo in ay hubsadaan si booliska dadka oo dhami ugu adeegaan
CPAC micnaha waa dadka ku nool halkaan ayaa go’aan ka gaaraayo sida booliska noola dhaqmaayo iyo sida booliska shaqadooda u qabsani lahaayeen.
Saxiix codsiga
CODSI AH IN IS BEDDEL LAGU SUUBIYO THE MINNEAPOLIS CITY CHARTER SI LOO DHISO URUR RAYID AH OO LA XISAABTAMO BOOLIISKA OO LOO SOO GAABIYO (CIVILIAN POLICE ACCOUNTABILITY COMMISSION) (CPAC)
Anagoo ah dadka hoos ku qoran, waxaan fulin doonaa is beddelka axdiga magaalada Minneapolis si bulshada ay u hesho urur rayid ah bulshadana soo dooratey oo la socdo Booliska lana xisaabtama. (Civilian Police Accountability Commission) (CPAC), Faafahinta arintaan bogga kale ayaa lagu qeexay.
Arintaan waxaa maalgaliyey Minneapolis for Community Control of Police