Xagaagu waa waqti aad ugu haboon in ardaydu sii wataan waxbarashada! Si ay uga caawiso ardayda iyo qoysaska inay wax ku dhisaan waxbarashada, taasoo socotay dhammaan sanad dugsiyeedka, DPS waxay abuurtay tiro ilaha xogta ah o diirada lagu saaraayo joogtaynta waxbarashada ardayda inta lagu jiro xagaaga. Inta badan ilaha waxaa loo sameeyay ardayda ku jira dugsiga barbaarinta ilaa fasalka 5aad, inkastoo ilaha qaar ay heli karaan ardayda fasalada kale. Si joogto ah u fiiri maadaama liiskaan wax laga badalo marka ilo cusub la helo.
StoryBird (Multiple Languages) waa qalab ay fududahay in ay isticmaalaan ardaydu si ay u abuuraan sheekooyin qurux badan oo qoraal ah. Ardayda ayaa iska kaashan kara sheekooyinka.
SpeakPipe Cod duubaha ayaa kuu sahlaaya inaad abuurto cod maqal ah adoo toos ugu duubayso baroowsarkaaga adoo adeegsanaaya cod baahiye. Codka duuban ayaa lagu samaynayaa gudaha kumbuyuutarkaaga, waxaadna duubi karaa inta jeer ee aad doonayso. Waxaad haysataa dookh aad ku seef garaysato codka aad duubtay seerfarka SpeakPipe aadna u samaysato lifaaq, si aad ugu dirto iimeelka ama aad ugu isticmaasho webseetka.
Duolingo (Multiple Languages) waa barnaamij oonleen ah oo bixiya casharo iyo xiiso gaar ah oo bilaash ah oo lagu baxsho luuqado badan, ayna ku jiraan Ingiriis, Isbaanish, Faranji, Jarman, Talyaani, Burtaqiis, Af Giriig, Af Ruush, Fiyeetnaamiis, iyo luuqado kale. Layliyo maalin kasta ah oo ay ku jiraan casharada naxwaha iyo eray bixinta oo loo abuuray in lagu dhiso aqoonta luuqada.
K-12 DPS Ebook Library (SORA) (Multiple Languages) - Inta lagu jiro xirnaanshaha dugsiga, Denver Public Schools waxay siin doontaa galitaanka Buugaagta oonleenka ah iyo kuwa Codka ah ee Sora dhammaan ardayda DPS iyo shaqaalaha, ayna ku jiraa uruka dugsiga charter ka ah. Ardayda iyo shaqaalaha ayaa si fudud u heli kara 30,000 oo buugaagta Oonleenka ah iyo kuwa Codka ah ayagoo adeegsanaaya kubuyuutarka, taableetka ama taleefanka ay doonaayo ayagoo ku gaalaaya baaswerka DPS.
K- 12 Denver Public Library (Multiple Languages)- Ku isticmaal oonleenka: naadiyada buugta, waqtiyada sheekada, madadaalooyinka buugta iyo adeegyada maktabada ood helayso adoo gurigaaga jooga.
3- 12 Commonlit.org (Multiple Languages) waa urur khayri ah oo ka shaqeeya tignooloojiyada waxbarashada kaasoo muhiimada siinaaya xaqiijinta in dhammaan ardayda, gaar ahaana ardayda dugsiyada Title I, ay qalin jabiyaan ayagoo leh xirfadaha akhriska, wax qorista, hadalka, iyo xalinta caqabadaha ee ay ugu baahan yihiin inay si guul leh ku helaan kuleejka iyo nolosha kasii danbaysaba.
Math Learning Center Family Resource (Multiple Languages) Dugsiyada ayaa xiran, laakiin waxbarashada xisaabta ayaa sii socon karta! Waxaan bixinaynaa ilo bilaash ah oo lagu bixinaayo waxbarashada guriga.
6-8 grade: Connected Mathematics - Wuxuu ardayda siiyaa nashaadaadka xisaabta.
K-2- National Council Teachers Mathematics - Gudigga Qaran ee Macalimiinta Xisaabta) ayaa u doodaaya barista iyo barashada xisaab tayo sare leh oo uu helo arday kasta.
Youcubed (Multiple Languages) - Ardayda ayaa si oonleen ah u wada ciyaari kara gaymamka iyo agabka kaalmaatiga ah ee waafaqsan casharada ay dhamneeyeen intii lagu jiray sanadka ee lbarnaamijka CMP3.
Khan Academy (Multiple-Languages) Ardaydu waxay muraajacayn karaan ayna ku tababaran karaan xirfadaha si waafaqsan kooxrsada xisaabta ee fasalkooda.
Dhawaan ayay Soo baxayaan
Ilaha waxbarashada gaarka ah ayaa ardayda siinaaya fursado ay wax ku bartaan inta lagu jiro xagaaga.
Community Resources - Iskaashatada bulshada ee adeegyada ka baxsha qaybaha: caafimaadka, jir dhiska, faya qabka, aqonta dhaqaalaha, stem, farshaxanka, casharada gaarka ah, cunto karinta, gardaadinta, taageerada aqoonta, talo bixinta, u doodista, baxnaaninta.
Summer Meal Program 2020 Distribution Sites- Barnaamijyada Adeegga Cuntada ee Xagaaga ayaa quraac iyo qado nafaqo leh siiya dhammaan carruurta.
Fun Activities for Summer Learning- Ishaan adeegga ayaa talooyin ka bixisa sida loo taageeraayo naashaadaadka waxbarashada iyo xagaaga ee dhammaan qoysaska ayna ku jiraan kuwa carruurtoodu baahiyaha gaarka ah qabaan.