Apple ID waa aqoonsigaaga shirkada apple, waxaad u adeegsan karee ku isticmaalka iphone nadaada, sidoo kale waa icloudkaaga, ee sidaa darteed aad uga taxadir.
si aad u samaysatid waxaad u baahan tahay, E-mail aan wali lagu samayn Apple ID & TEL NAMBAR.
qaabka loo sameeyo: waxa jira 2 ama 3 siyaabood oo loo maro,
1 in aad websiteka Apple ka samaysatid 2 in iphone ku marka uu cusub yahay aad dhahdid mid cusub samee, kadibne uu website ka kuu gudbiyo.
qaladaadka dhaco xilliga la samaynayo Apple ID ga:
1) haku samaysan E-mail aadan Password kiisa aqoon, ama TEL NAMBAR aadan haysan, ilayn Fariimo ayaa kaaga imaanayo Shirkadda Apple.
2) Hal E-Mail ayaad u isticmaali APPLE ID & E-Mail caadi ah, balse qasab ma ahan in Password yadu isku mid ahaadaan, sidaa darteed ha isku qasin oo dhaqse ha u hilmaamin!!
3) marka aad Passwod ka dooranaysid ka dhigo mid dheer xarfo waawayn nambaro & astaamaha gaarka ah sida (!&?%$§) ku jiraan, si aadan ugu celcelin oo aadan kama danbays ne u hilmaamin kii aad dooratay
kama danbays meel ku qoro marka aad samaysid!
waxaan filaa in aad wax uu faa iiday.
waa ii FARXAD wayn in aad ku xirnaatid @MAQUBEESTE3
waa ii FARXAD & DHIiRI GALIN wayn in aad ku xirnaatid @MAQUBEESTE3
Shuruudaha isticmaalka, ka eeg qaybta DHEERAAD
Si GUUD Ma ogolin, wax kasta oo Damiir / Dadnimo & Diintu diiday
28.07.2022
MAQUBEESTE3