Kheyraadka Afsoomaaliga | Resources in Somali
Waxaan ku faraxsanahay inaan ku bixinno fursado waxbarasho oo ku baxaya luqadaha lagaga hadlo Minnesota.
We are proud to offer learning opportunities in languages that represent Minnesotans.
Tilmaamaha Baarista Kansarka | Cancer Screening Guidelines
Kansarka Naasaha | Breast Cancer
Haweenka da’doodu u dhaxayso 40 ilaa 54 sano waa inay maraan baadhitaanka kansarka naasaha ee loo yaqaano mammograms sanad kasta.
Haweenka 55 jirka ah ama ka wayn waxaay sii wadan karaan baadhitaanka sanad kasta ama waxaay u badalankaraan 2-dii sanoba hal mar. Lakiin haweenka khatarta ugu yar ku jira inuu ku dhaco kansarka naasaha ayaa raajada mammogram ka 2-dii sanoba mar ku habboon.
Haweenka ku jira Khatarta shaqsiyeed waa la qiimeyn karaa lagana wada hadli karaa marka dhakhtarkoodu waraysanayo.
Baadhitaanka joogtada ahi waa inuu sii socdaa illaa iyo inta haweenayda caafimaadkeedu wanaagsanyahay, ayna filayso nolol 10 sano iyo kabadanba.
Dhakhtarkaaga la xiriir isla markiiba hadii ay jiraan wax isbadal ah oo ku saabsan naasahaaga ama aad dareentid isbadal xanuun ah.
Haweenka oo dhami waa inay bartaan waxtarka, xadiidada, iyo waxyeelada ka imaan kara baarista kansarka naasaha. Kala hadal dhakhtarkaaga wixii ku saabsan baarista kansarka ku dhaca naasaha.
Kansarka Ilmagaleenka | Cervical Cancer
Haweenku waa inay bilaabaan baarista kansarka xubinta taranka dumarka markay yihiin da'da 21 sano jir.
Haweenka da'doodu u dhaxayso 21 iyo 29 jir waa inay maraan baadhitaanka Pap test 3-dii sanoba mar.
Haweenka da’doodu u dhaxayso 30 jir ilaa 65 jir waa inay maraan (Pap test) iyo (HPV test) 5-tii sanoba hal mar.
Haweenka ka weyn 65 sano oo isbaarayey 10 kii sanoo lasoo dhaafay ee caafimaad qaba uma baahna baarista kansarka ilmagaleenka. Lakiin haweenka taariikhda u leh Kaansarka ku dhaca dhuunta ilmagaleenka waa inay sii wadaan baarista ugu yaraan 20 sano kadib ogaanshihii cudurkaas, xitaa haddii aay dhaafeen da'da 65 sano jir.
Haweenayda leh wadna xanuun guud ee loo yaqaano (Total Hysterectomy) oo aan lahayn wax la xiriira kansarka xubinta taranka dumarka oo aan taariikh u lahayn kansarka ilmagaleenka ama kansarka daran ee ka horreeya, waa in aynan isbaarin.
Kansarka Sanbabada | Lung Cancer
Baaritaannada kansarka sanbabada ee cabbirkiisu hooseeyo (CT scan) waa waxaa lagula talinayaa dadkaas qodobadan hoose:
Dadka 55 sano ilaa 74 sano jir oo caafimaadkoodu sareeyo.
Dadka Sigaarka caba hada ama joojiyey cabitaanka sigaarka 15 kii sano ee ugu dambaysay.
Qofka cabay ugu yaraan 30 pack oo sigaar ah sanadkii marka la fiiriyo taariikhta sigaar cabista.
* sigaar cabitaan oo udhiganta 1 xirmo maalintii, sanad kasta. 1 xirmo maalin kasta 30 sano ama 2 xirmo maalin kasta 15 sano waxay udhigantaa wax la mid ah 30 sano sigaar cabitaan.
Kansarka Mindhicirka ama Xiidmaha | Colon Cancer
Dadka halista ugu jira kansarka mindhicirka, baarista joogtada ah waa inay bilaabataa markay da'doodu tahay 50 jir (ama da'da 45 haddii uu yahay madowga maraykanka ama madowga afrika u dhashay).
Hadii aad caafimaad qabtid, waa inaad sii wadaa baaritaas ilaa intaad ka gaaraysid 75 sano jir.
Dadka jira 76 sano ilaa 85 sano waa inay kalahadlaan dhakhtarkooda inay u haboontahay baaritaanka.
Dadka da’doodu ka weyn tahay 85 sano uma baahna inaay sii wadaan baaritaanka kansarka xiidmaha.
Fadlan la xiriir dhakhtarkaaga si aad u ogaato inay kuu banaantahay ama fiicantahay baarista saxarada ama baaris kale oo lagu fiiriyo mindhicirka ama malawadka.
Kansarka Qanjirka | Prostate Cancer
Raggu waa inay qaataan go’aan wargelin caafimaad leh oo dhakhtarkooda waydiyaan inay u haboontahay barista kansarka qanjirka gala.
Cilmi baaristu ma aysan cadynin faa’iidooyinka barista inay ka culus tahay waxyeelada imtixaanka iyo daaweyntaba.
Laga bilaabo da’da 50 sano jir, raggu waa inay la hadlaan dhakhtarkooda oo kala hadlaan faa’iidooyinka iyo khasaaraha imtixaanada si ay go’aan uga gaaraan haddii imtixaanku yahay doorasho sax ah.
Haddii aad tahay madowga afrika udhashay ama walaalkaa ama aabahaa laga helay kansarka qanjirka markay da’doodu ahayd 65 sano jir ka hor, waa muhiim inaad la tashato dhakhtarkaaga marka laga bilaabo 45 sano jir.
Waxay ku xirantahay taariikh caafimaadkaaga iyo shaqsi ahaan ama arrimo kale oo caafiimaad, dhakhtarkaaga ayaa kugula talin kara qorshaha. Kala hadal dhakhtarkaaga imtixaanka kuu haboon adiga.
Waxbadan ka baro kansarka saameeya bulshada Soomaaliyeed.
Learn more about cancers that affect Somali communities.
Colon Cancer
Muuqaalkan waxaa curyaamiyey Allina Health oo ay weheliyaan Dr. Liibaan Faarax oo ku hadla Ingiriisiga iyo Soomaaliga. Wuxuu ka hadlayaa saamaynta cudurka Kansarka mindhicirka iyo Baadhitaanka. Muuqaalkan waxaa la daabacay 2016.
This video was created by Allina Health with Dr. Liban Farah who speaks English and Somali. He is discussing the effects of Colon Cancer and Screenings. This video was published in 2016.
Muuqaalkan fiidiyowga waxaa abuuray Wada-hawlgalayaasha Caafimaadka Health Partners oo uu la socdo Dr. Maxamuud Afgarshe oo si faahfaahsan u sharraxaya saameynta uu ku dhacayo cudurka loo yaqaano Kansarka. Wuxuu ka hadlayaa baarista iyo ka hortagga cudurka Kansarka Ku dhaca malawadka ama mindhicirka. Muuqaalkan waxaa la daabacay 2010-kii.
This video was created by Health Partners with Dr. Mohamud Afgarshe who explains in detail the effects of Colon Cancer. He talks about screenings and prevention of Colon Cancer. This video was published in 2010.
Cervical Cancer
Muuqaalkan fiidiyowga waxaa abuuray Wada-hawlgalayaasha Caafimaadka Health Partners oo ay diyaarisay Dr. Sadia Jaamac oo ka hadlaysa Kansarka Ilmo-galeenka. Waxay ka hadashay baaritaannada muhiimka ah iyo ka hortagga iyo fikradaha qaldan ee dad badani ka qabaan baaritaanka kansarka gala xubinta taranka dumarka. Muuqaalkan waxaa la daabacay 2010-kii.
This video was created by Health Partners by Dr. Sadia Jama who talks about Cervical Cancer. She talks about important screenings and prevention and misconceptions many people have about the screening of cervical cancer. This video was published in 2010.
Waa Maxay Vaping? | What is Vaping?
Kheyraadka wax lagu barto ku saabsan COVID-19
Resources for learning about COVID-19
Fiidiyowgaan waxaa sameeyey xarunta caafimaadka guud ahaan Valleywise Health Medical Center waxaana la daabacay bishii March 2020. Fiidyowgaan wuxuu so bandhigayaa macluumad muhiim as oo ku saabsan COVID-19. Wuxuu soo bandhigayaa tillaabooyin looga hortagayo faafitaanka fayraska ee ku imaan kara qoyska, asxaabta iyo dadka kale ee aad la macaamili karto. Fadlan la wadaag macluumaadkan qoskaaga, ehelkaaga iyo asxaabtaada.
This video was created by Valleywise Health Medical Center and published in March 2020. This important information about the video highlights COVID-19 including 19 steps to prevent the spread of the virus family, friends and others you might interact with. Please share this information with your close family, relatives, and friends.
iDream.tv wuxuu la shaqeeyey WellShare International magaalada Minneapolis, MN si loo soo saaro farriintan caafimaadka iyo badbaadada ee ku saabsan COVID-19)ee Bulshadeena Soomaaliyeed.
iDream.tv worked with WellShare International in Minneapolis, MN to produce this health and safety message about COVID-19 for our Somali Community.
Kaqeybgalka Bulshada ee Xarunta Kansarka iyo Kooxda Waxbarashada ayaa ku faraxsan inay la shaqeeyaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Minnesota.
The Masonic Cancer Center Community Engagement and Education Team is excited to work with Somali communities in Minnesota.
Cabdifataax Axmed, Isuduwaha Kaqeybgalka Bulshada, wuxuu sanado badan la soo shaqeeyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyinka mataanaha ah wuxuuna ku faraxsan yahay inuu kaalintiisa ka qaato Xarunta Kansarka oo loo yaqaano Masonic Cancer Center oo ku taala jaamacadda University of Minnesota.
Abdifatah Ahmed, Community Engagement Coordinator, has worked in the Somali community in the Twin Cities for years and is excited to engage in his role at the Masonic Cancer Center at University of Minnesota. .