Degmada Dugsiga Midaysan ee San Diego (San Diego Unified School District) Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime Ee 2024

 

Waaxda Fursadaha Wax Barashada La Dedejiyay ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego (San Diego Unified School District’s [SDUSD]) waxay la shaqeyneysaa ururo iskaashiga PrimeTime si looga soo bandhigo Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime (PrimeTime Summer Program) dugsiyada hoose, dugsiyada UTK (fasalka barbaarinta ee ku meel-gaarka iyo caalamiga ah) ilaa fasalka 8'daad, iyo dugsiyada dhexe ee soo bandhigaayo Barnaamijyada Wax Barashada Xagaaga ee SDUSD. Barnaamijka loo yaqaano PrimeTime Summer Program (Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime) wuxuu soo bandhigi doonaa deegaan wax laga qayb-qaadan karo oo ay ardayda ku xoojin karaan xirfadahooda tacliinta iyo ay ka qayb-qaadan karaan hawlo kobcin leh oona xiiso leh oo ku saabsan goobaha Farshaxanka, Sayniska, Muusikada iyo Ciyaaraha, iyadoo la horumarinaayo xirfadaha bulshanimada. Ardayda ka qayb-qaato Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime waxaa la siin doonaa cunto nafaqo leh oo lacag la'aan ah.

 

SI AAD U ARAGTO LIISKA BARNAAMIJYADA XAGAAGA PRIMETIME IYO JADWALADA BARNAAMIJKA, FADLAN GUJI INTA INTA

 

Taariikhaha Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime:  Arbaco, Juunyo 12 ilaa Jimco, Luulyo 12, 2024 (Xiran Yahay Juunyo 19, Luulyo 4, iyo Luulyo 5)

 

U-qalmitaanka Iyo Diiwaangelinta Ardayga
Ardayda SDUSD ee loo garto Mudnaanta 1 ee Barnaamijka Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay (Extended Learning Opportunities Program [ELOP] Priority 1), inta lagu jiro sannad dugsiyeedka 2023-24, UTK ilaa fasalka sideedaad, oo dhiganaayo Barnaamijyada Tacliinta Xagaaga ee SDUSD waxay u qalmaan inay codsadaan Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime (PrimeTime Summer Program).  Codsiyada waxaa loo aqbali doonaa ka qayb-galka iyadoo lagu salaynayo nidaamka qiimeynta ee hoos lagu sharaxay, iyadoo ay ardayda guri la'aanta ah ama kuwa ay koriyaan dad aan waalidkood ahayn (foster) ama kuwa shaqo darteed u guur guura (migrant) helayaan tixgelinta mudnaanta ugu sareysa. Hadii ay codsiyada dhaafaan awooda, waxaa laga yaabaa in ardayda la geliyo liiska sugitaanka ilaa boos laga helayo. Ardayda waa inay dhiganayaan Barnaamijka Tacliinta Xagaaga ee SDUSD si ay ugu qalmaan inay ka qayb-qaataan Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime (PrimeTime Summer Program).

 

Waqtiga U Dejisan Codsiga Ee Hore (Isniin, Janaayo 29 ilaa Jimco, Maarso 15, 2024):

Waxaa codsiga laga heli karaa xiriiriyaha ku jiro iimaylka la soo diray inta lagu jiray asbuuci Janaayo 22, 2024, oo loo soo diray dhammaan ardayda Mudnaanta 1 Ee ELOP oo u qalma.  Wuxuu codsi furmi doonaa laga bilaabo Isniin, Janaayo 29 marki ay tahay 8:00 subaxnimo (am) (waqtiga caadiga ah ee basifika [Pacific Standard Time]) waana in laga buuxiyo iyo laga soo gudbiyo intarnetka ilaa Jimco, Maarso 15 marki ay tahay 11:59 habeenimo (pm) (waqtiga caadiga ah ee basifika [Pacific Standard Time]) si loogu tixgeliyo nidaamka is-diiwaangelinta ee hore.  Hadii uu jiro boos, waa la sii wadi doonaa in la aqbalo codsiyada ka dib taariikhdaan iyadoo la raacayo isla nidaamka ku yaalo hoos oo taariikhaha la bedelay.

 

Nidaamka Qiimaynta Codsiga:
Codsiyada la buuxiyey oo la soo gudbiyo ilaa xiliga kama dambayska ah inta lagu jiro xiliga hore ee loo dejiyey codsiga waxaa loo fiirin doonaa xiliga isqoritaanka ee hore. Ardayda Mudnaanta 1 ee ELOP waxaa loo aqbali doonaa ka qayb-qaadasho si ku salaysan nidaamka qiimeynta codsiga ee lagu faahfaahiyay hoos, ilaa awooda barnaamijka dugsi kasta. Marka uu PrimeTime gaaro awoodiisa, ardayda aan loo aqbalin inay ka qayb-qaataan waxaa la gelin doonaa liiska sugitaanka (wait list), iyadoo loo eegaayo sida ay u kala mudan yihiin, waxaana la aqbali doonaa marka boosas la helo. Codsi kasta waxaa la siin doonaa mudnaan iyadoo la isticmaalayo nidaamka qiimeynta ee soo socata:

Qoysaska ka kooban hal waalid AMA qoysaska uu hal waalid ama qofka mas'uulka
ka ah ardayga uu hada ku maqan yahay meel uu milateeriga u diray (waxaa laga
yaabaa in loo baahdo koobiga amarada marki la codsado). 1 Dhibic


Dhammaan waalidiinta ama dadka mas'uulka ka ah ardayga oo la nool ardayga
waxay shaqeeyaan waqti buuxo (40 saacadood asbuuci) iyo/ama waa arday wax
dhigato waqti buuxo (oo ku qoran ugu yaraan 12 buundo [12 units]). 1 Dhibic


Waxa ay Degmada Dugsiga ku talisay in ardayga uu helo caawinaad wax barasho,
iyadoo uu ku salaysan yahay Kaarka War Bixinta Ee Ku Salaysan Heerarka
(Standards Based Report Card) oo loogu talagalay heerka dugsiga hoose iyo
natiijooyinka koorsaha oo loogu talagalay heerka dhexe iyo/ama Arday Baranaayo
Luuqada Ingiriiska. 1 Dhibic


Ardayda ka qayb-qaadanaayo barnaamijka Cuntada Qiimaha Lacag La'aanta Ah Ama
Raqiiska Ah ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego, iyadoo uu ku salaysan
yahay macluumaadka ay soo bandhigto Degmada Dugsiga. 1 Dhibic

Wadarta Dhibcood Ee Macquulka Ah 4  Dhibcood

Dhammaan ardayda guri la'aanta ah ama kuwa ay koriyaan dad aan waalidkood ahayn (foster) ama kuwa shaqo darteed u guur guura (migrant) waxay heli doonaan mudnaanta ugu sareysa ee is-qoritaanka.


Ogeysiinta Xaalada Codsiga Ee Waalidka ama Qofka Mas'uulka Ka Ah Ardayga (ilaa Jimco, Abriil 5, 2024):

Ardayda waxaa lagu soo ogeysiin doonaa iimayl ahaan xaalada codsigooda marki ay tahay Jimco, Abriil 5.  Iimaylka wuxuu ogeysiin doonaa qoysaska hadii uu ardaygooda ama ardaydooda loo aqbalay inay ka qayb-qaataan, ama la geliyay liiska sugitaanka, ama aysan u qalmin. 

 

Nidaamka Iyo Waqtiga U Dejisan Is-qoritaanka Ardayda La Aqbalay (ilaa Jimco, Abriil 26, 2024):

Marki uu waalidka ama qofka mas'uulka ka ah ardayga helo ogeysiiska aqbalaada, waxay u baahan doonaan inay daabacaan iyo buuxiyaan Foomamka Qayb-qaadashada Ardayga Ee Barnaamijyada Xagaaga Ee PrimeTime 2024 (2023 PrimeTime Summer Program Student Participation Forms).  Waxaa loo baahan doonaa in foomamka la buuxiyay lagu soo gudbiyo si elektaroonik ah iyadoo la isticmaalayo iimayl ilaa Jimco, Abriil 26, 2023, si looga qayb-qaato Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime oo bilaabmi doono Arbaco, Juunyo 12. Fadlan u soo gudbi Foomamka Qayb-qaadashada Ardayga (Student Participation Forms) Ururka La-hawlgalaha PrimeTime (PrimeTime Partner Organization) oo ka soo bandhigaayo Barnaamijka Xagaaga Ee PrimeTime dugsiga uu ardayga qorsheysanaayo inuu aadi doono xiliga xagaaga soo socda.

 

NIDAAMKA XAADIRITAANKA
Sida waafaqsan Qaybta 8483(a) (1) ee Sharciga Wax Barashada Kaaliforniya ee siiso maal-gelin PrimeTime, waxaa lagu dhiiri-geliyaa ardayda inay ka qayb-qaataan barnaamijka maalin kasta.  

MACLUUMAAD DHEERAAD AH
Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo khuseeyo PrimeTime'ka ka jiro dugsiga ardaygaaga, la xiriir La-hawlgalaha PrimeTime (PrimeTime Partner) ee bixinaayo adeegyada. Guji inta si aad u hesho Macluumaadka Xiriirka La-hawlgalaha PrimeTime. Wixi su'aalo ah oo khuseeyo maamulka barnaamijka, fadlan la xiriir mid ka mid ah Shaqaalaheena Taageerada Ee SDUSD.