Salaan Waalidiinta, Mas'uuliyiinta, iyo Qoysaska,


Waxaan kuula soo xiriireynaa si aan u hubinno in waalidiinta iyo dadka ardayda masuulka ka ah ay ogaadaan inay marin u heli karaan laba goobood oo muhiim ah si ay ula socdaan horumarka iyo imaanshaha ardaydooda. Goobta ugu horeysa waa Xariirka Parent Portal, kaas oo muujinaya darajooyinka iyo imaanshaha guud. Mida labaad waa Schoology, oo muujinaysa darajooyin gaar ah, hawlo, fasallo, iwm.Haddii kuwani yihiin waxyaabo aad hore u sameysatay, waa hagaag! Haddii kale, waxaa jira tilmaamo mid kasta oo hoos ku qoran.

Waa muhiim inaad iska diiwaan geliso parent portal marka hore, sababtoo ah waxaa lagama maarmaan ah in in aad martid parent portal si aad u gashid Schoology. Waxay kaa qaadaneysaa qiyaastii 15-20 daqiiqo in aad sameysatid. Haddii aad u baahan tahay taageero dheeraad ah, FADLAN naweydiiso. Waxaan kugu taageeri karnaa telefoonka, Google Meet, ama shakhsi ahaan, adeegyada tarjumaada ee la heli karo haddii loo baahdo.