2024-25 PrimeTime Program
Programa PrimeTime 2024-25
Chương trình PrimeTime 2024-25
2024-25 Programang PrimeTime
Barnaamijka PrimeTime Ee 2024-25
Waaxda Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay (Extended Learning Opportunities Department) ee Degmada Dugsiga Midaysan ee San Diyeego (San Diego Unified School District) waxay maamushaa barnaamijka maalinta la kordhiyay ee PrimeTime (PrimeTime Extended Day Program [PrimeTime]) oo laga soo bandhigo dugsiyo hoose iyo dugsiyo dhexe ee u adeega ardayda dhigato fasalka barbaarinta ee caalamiga iyo ku meel-gaarka ah (Universal Transitional Kindergarten (UTK]) ilaa fasalka sideedaad. PrimeTime wuxuu lacag la'aan u yahay dhammaan qoysaska ka qayb-qaadanaayo iyo wuxuuna soo bandhigaa barnaamijyo xiliga dugsiga ka hor iyo ka dib maalin kasta oo caadiga ah ee la dhigto dugsiga. Si aad u hesho liiska xiliga hada la joogo ee dugsiyada soo bandhigaayo barnaamijyada PrimeTime ee xiliga dugsiga ka hor iyo xiliga dugsiga ka dib fadlan guji inta.
Waalidiinta ama dadka mas'uulka ka ah caruurta waxay ku qanci karaan ogaanshaha inuu cunugooda ama caruurtooda helayaan taageer tacliimeed, hawlo leh kobcin iyo xiiso iyo inay is-dhexgelayaan aasaagooda iyaga oo joogo jawi jir ahaan iyo dareen ahaanba amni leh.
Kooxda PrimeTime waa iskaashi ka dhexeeyo shaqaalaha Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay Ee Degmada Dugsiga Midaysan Ee San Diyeego (San Diego Unified School District), ururada ay iskaashadaan PrimeTime, iyo waaxyo iyo barnaamijyo kale ee SDUSD.
U-QALMITAANKA ARDAYGA
Waa inuu cunugaaga ama caruurtaada dhiganayaan maalinta caadiga ah ee dugsiga oona ay ku qoran yihiin dugsiga aad ka codsanayso PrimeTime. Dhammaan qoysaska haysto caruur ku jiro dugsiyada hoose iyo dugsiyada dhexe oo xiisaynaayo inay ka qayb-qaataan PrimeTime inta lagu jiro sannad dugsiyeedka 2024-25 waxaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan codsi intarnetka. Waxaa ka mid ah caruurta hadadaan ka qayb-qaadanaayo PrimeTime iyo caruurta ku jiro liiska sugitaanka.
SHURUUDAHA MUDNAANTA CDE ELOP
Sida ay dhigayaan shuruudaha deeqda CDE ELOP, ardayda fuliyo ugu yaraan hal ka mid ah shuruudaha soo socda waxaa la siin doonaa is-qoritaanka mudnaanta. Hadii ay dhacdo inuu barnaamijka buuxsamo taariikhda iyo waqtiga ugu horeysa ayaa lagu kala bixin doonaa bareejada.
Dhalinyarada guri la'aanta ah ama koriyaan dad aan waalidkood ahayn (mudnaanta ugu sareysa)
Ku Hadlo Luuqado Badan (Baranaayo Luuqada Ingiriiska)
U qalanka cuntada lacag la'aanta ah ama la raqiisiyay oo ku salaysan foomka dakhliga Qaciidada Maal-gelinta Xukunka Deegaanka (Local Control Funding Formula [LCFF]).
NIDAAMKA CODSIGA INTARNETKA
Codsiga waxaa laga heli doonaa intarnetka laga bilaabo Isniin, Maarso 4, 2024, marki ay tahay 8:00 subaxnimo (am) waqtiga caadiga ah ee basifika (PST [Pacific Standard Time]). Waxaa loo baahan doonaa cinwaan iimayl iyo gelitaanka intarnetka si loo sameysto koonto oo loo buuxiyo codsi.
SOO GUDBINTA CODSIGA MA AHA BALLAN-QAAD IN LAGA QAYB-QAADAN DOONO PRIMETIME
Waxaa la filayaa in baahida adeegyada PrimeTime uu ka badan karo awooda barnaamijka ee ka jiro dugsiyada intooda badan; sidaas darteed, aad ayey muhiim u tahay in lagu soo buuxiyo iyo lagu soo gudbiyo codsiga xiliga hore ee loo dejiyay codsiga. Codsiyada la buuxiyey oo la soo gudbiyo ilaa xiliga kama dambayska ah inta lagu jiro xiliga hore ee loo dejiyey codsiga waxaa loo fiirin doonaa xiliga isqoritaanka ee hore. Waxaa caruurta loo aqbali doonaa ka qayb-qaadashada si ku salaysan shuruudaha deeqda Barnaamijka Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay (ELOP) ee Waaxda Wax Barashada Ee Kaaliforniya (CDE), ilaa tirada boosaska barnaamijka dugsi kasta. Marka uu PrimeTime gaaro awoodiisa, caruurta aan loo aqbalin inay ka qayb-qaataan waxaa la gelin doonaa liiska sugitaanka (wait list), iyadoo loo eegaayo sida ay u kala mudan yihiin, waxaana la aqbali doonaa marka boosas la helo.
XILIGA HORE EE CODSIGA (Maarso 4, 2024 ilaa Abriil 12, 2024)
Codsiyada waxaa laga heli doonaa intarnetka laga bilaabo Isniinta, Maarso 4, marki ay tahay 8:00 subaxnimo (am) PST (Pacific Standard Time [Waqtiga Caadiga Ah Ee Baasifiga]) iyo waa in laga buuxiyo iyo laga soo gudbiyo intarnetka ilaa Jimcaha, Abriil 12, marki ay tahay 9:59 habeenimo (pm) PST (Pacific Standard Time [Waqtiga Caadiga Ah Ee Baasifiga]) si loogu daro nidaamka fiirinta iyo isqoritaanka hore.
OGEYSIINTA XAALADA CODSIGA (Juunyo 14, 2024)
Waalidiinta ama dadka mas'uulka ka ah ardayda oo ku soo buuxiyo iyo ku soo gudbiyo codsiga inta lagu jiro waqtiga hore ee loo dejiyay codsiga waxaa lagu soo ogeysiin doonaa iimayl xaalada codsigooda marki ay tahay Jimcaha, Juunyo 14. Iimaylka wuxuu ogeysiin doonaa qoysaska hadii uu cunugooda ama caruurtooda loo aqbalay inay ka qayb-qaataan, ama la geliyay liiska sugitaanka, ama aysan u qalmin barnaamijka PrimeTime (PrimeTime Program) ee xiliga dugsiga ka hor iyo ka dib.
ARDAYDA LA AQBALO (Luulyo 19, 2024)
Marka la is ogeysiiyo aqbalitaanka, waxaa loo baahan yahay in la buuxiyo Foomamka Ka Qayb-qaadashada Ardayga Ee PrimeTime Ee 2024-25 ka hor intuusan cunugaaga bilaabin inuu ka qayb-qaato barnaamijka. Foomamka Qayb-qaadashada Ardayda Ee 2024-25 (2023-24 Student Participation Forms) waxaa laga heli doonaa websaytka PrimeTime iyo ururka ka soo bandhigaayo adeegyada dugsiga cunugaaga. Waa in la gudbiyo foomamka ilaa Jimcaha, Luulyo 19. Ardayda aan si dhammaystiran u buuxinin Foomamka Qayb-qaadashada Ardayda Ee 2024-25 waxaa laga yaabaa in laga saaro PrimeTime.
CODSIYADA LA SOO GUDBIYO KA DIB ABRIIL 12, 2024
Codsiyada waa la aqbalaa sannad dugsiyeedka oo dhan. Codsiyada la soo gudbiyo wixii ka dambeeya Abriil 14, waxaa loo tixgalin doonaa siday u kala horeeyaan, sida loo helo boosas.
MACLUUMAAD DHEERAAD AH
Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo khuseeyo PrimeTime'ka ka jiro dugsiga cunugaaga, la xiriir La-hawlgalaha PrimeTime (PrimeTime Partner) ee bixinaayo adeegyada. Guji inta si aad u hesho macluumaadka Xiriirka La-hawlgalaha PrimeTime. Wixi su'aalo ah oo khuseeyo maamulka barnaamijka, fadlan la xiriir mid ka mid ah Shaqaalaheena Taageerada. Si aad u fiiriso Qorshaha Barnaamijka Fursadaha Wax Barashada La Kordhiyay, fadlan guji inta.