ABOUT US
ABOUT US
Waxaan nahay madal u taagan in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka xaqabtirto Xirfadaha Muhiimka ah ee Dijitaalka ah si ay u noqdaan kuwo iskood ushaqeesta oo Is-Maamula oo dhaqaale ahaan u Madax Banaan. Waxaan bilawnay Mashruucan:- Barashada Xirfadaha Digital-ka ah, oo Qofka usahlaayo inuu Barto Xirfadda Kuna Shaqeesto si iskiis ah asigoo gurigiisa jooga, Kuna Barto AF-SOOMAALI, Kuna iibsado Kooraska Lacag yar oo 1-mar ookeliya ardeyga laga qaadayo. Anagoo ka duulayna baahida weyn ee Dalka ka jirta ee ah in la helo Xirfado lagu shaqeysan karo oo aysan Xadideynin Xaaladaha Dalka Kajira Sida YAAD TAQAANAA? IWM, Keliya Kala sareyntu waa Dadaalkaaga iyo Ka-go'naanshahaaga.
F.G. Cashar kuuma akhrineyno, Waa itus oo itaabsii, ee Koorsooyinkeenu Waxay udiyaarsanyihiin:
Shaqada aad qabaneysid.
Qaabka aad uqabaneysid Bilow ilaa Dhamaad.
Hagitaan Talaabo Talaabo ah. Haddaad Kooraska Dhameysatid Micnaheedu Waa: Waxaad tahay qof udiyaarsan inuu ku shaqeesto Xirfaddii uu Bartey.
"Sanado ka hor, Aniga oo aan heysan wax Dhaqaale ah ama fursado kale, ayaan Go’aansaday in aan maalgashado Waqtigayga oo aan kulumin Daawashada Tiktok iyo Wax walboo Maalaayacnii ah, Waxaan garowsadey in $0.5-Ka Internetka aan ku baran karo Xirfad Nolosheyda Wax ka Bedesha, oo Waxaan kaloo Yaqiinsadey in Lacag $30 Kayar oo Maalaayacniiba igaga bixi jirtey aan ku iibsado Kooras Nafteyda Kaga Xoroobi karto Baryo aadane Kuna gaari karto Isku Filnaansho, Sidaa awgeed waxaan Bilaabey inaan barto xirfadaha muhiimka ah ee Dijitaalka ah sida Dropshipping, Graphic Design, iyo Ganacsiga Forex. Kuwaas oo indhaha iikala furey oo Xirfado kaloo badan in aan Yeesho ii horseeday. Nasiib Wanaag, maanta waxaan ahay qof maamulaya Noloshiisa oo dhaqaale ahaan Xor ah" Alhamdulillaah.
Ujeeddadayadu waa in aan si fudud oo hufan idiin kugu soo gudbino Xirfado kuwaas oo aad ku Horumarin kartaan Mustaqbalkiina, oo aad baran kartaan xirfad Maanta, kuna samayn kartaan lacag Berri. Koorsooyinkayagu waa kuwo casri ah oo diyaar u ah in lagu barto Telegram-ka, taasoo kuu sahleysa inaad si fudud u daalacato casharada, intaad ku rafaadi lahayd Daalacaada casharada ee website-ka dhexdiisa.
Waa Markaagii! Baro Xirfad Cusub, Noloshaadana Beddel!
Faahfaahinta Kooraska Dropshipping:
KOORASKA DROPSHIPPING Waxaad ku Baran doontaa sidii aad u bilaabi lahayd oo aad u maamuli Lahayd, ganacsi guuleysta oo Dropshipping ah Bilow ilaa dhamaad. Waxaad ku qaadan doontaa hagitaan tallaabo-tallaabo oo hababka oodhan ah—laga bilaabo helidda alaab faa'iido leh ilaa aad dhisato dukaankaaga online-ka iyo suuq-geyntiisa si wax ku ool ah. Koorsadani waxaa loogu talagalay dadka bilowga ah, sidaa darteed khibrad hore looma baahna. Dhamaadka koorsada, waxaad yeelan doontaa xirfadaha aad ku maamuli karto ganacsigaaga e-commerce-ka oo aad lacag ku shaqeysan karto, iyadoo aadan wax badan maal-gelin.
Qodobada Muhiimka ah ee aad ku baran-doontid kooraska DROPSHIPPING:
Waa maxay Dropshipping?
Sida loo helo alaab faa'iido leh
Sida loo dhiso dukaankaaga online-ka ah
Farsamooyinka suuq-geynta ee keena iibka
Sida loo maareeyo Dalabaadka macaamiisha iyo soo-celinta.
Hadafka Kooraska:
Inaanu kuu suurtagelino inaad bilowdo oo aad lacag ku kasbato adiga oo ka shaqeeya gurigaaga ganacsi Dropshipping ah adigoon wax badan maalgashan.
Waqtiga Kooraska: 2-Bilood/3-Bilood ugu badnaan.
Qiimaha Kooraska: $25, 1mar keliya la dhiibaayo. Qiimo dhimista waqti kooban ookeliya ayey socon, Qiimaha rasmiga ah ee kooraska waa $50, Kafaaideyso inteysan qiima dhimistu xirmin.
F.G. Maadaama Qofkii Barto Dropshipping ay qasab tahay inuu Graphic Design Barto, Ardeygu Hadduu iibsado Dropshipping Waxaynu si Free ah Kusiineynaa Kooraska Graphic Design. Wuuna isku dhex Wadan karaa.
Course 2: Graphic Design
Faahfaahinta Kooraska Graphic Design:
Koorsadan waxaad ku baran doontaa Graphic Design laga bilaabo heer hoose oo aad ku isticmaalayso Canva—qalab naqshadeyn fudud oo awood badan. Dad badan wali waxay isticmaalaan agabyo hore oo qadiimi ah, Laga tagey oo qaali ah sida Adobe Premium, laakiin Canva ayaa beddelaya Dunida naqshadeynta. Sabab? Canva waa mid la awoodi karo, fududyahay in la isticmaalo, wuxuuna leeyahay Templates cajiib ah iyo astaamo ay xitaa xirfadlayaal ku qasabtey in ay u-guurayaan Canva. Haddii aad rabto inaad samayso Logo, boodhadh, Sameynta Muuqaalo Qurux badan, ama Abuurista Social Media Contents, koorsadani waxay ku hagi doontaa heer bilow ilaa aad heer sare ka gaarto Graphic Design.
Qodobada Muhiimka ah ee aad ku baran-doontid kooraska Graphic Design:
Hordhaca Canva iyo agabkeeda.
Naqshadeynta garaafka loogu talagalay warbaahinta bulshada, xayeysiinta, iyo sumadda.
Tafatirka muuqaalka iyadoo la isticmaalayo astaamaha ku dhexjira Canva.
Sida Canva uga fiican yahay qalabyada naqshadaynta ee caadiga ah sida Adobe Premium.
Hadafka Kooraska:
Inaanu ku siino xirfadaha naqshadeynta ee kaa dhigi doona naqshadeeye suuq-gal ah adiga oo isticmaalaya qalabka ugu casrisan, ugu fudud, uguna waxtarka badan ee la heli karo maanta.
Iska Tuur wixii hore ee Rafaadka Badnaa, Kusoo dhawoow Graphic Design La jaan qaadaya Dunida Casriga ah.
Waqtiga Kooraska: 2-Bilood ugu badnaan.
Qiimaha Kooraska: $15, 1mar keliya la dhiibaayo. Qiimo dhimista waqti kooban ookeliya ayey socon, Qiimaha rasmiga ah ee kooraska waa $40, Kafaaideyso inteysan qiima dhimistu xirmin.
Course 3: Forex Trading
Faahfaahinta Kooraska FOREX TRADING:
Qodobada Muhiimka ah ee aad ku baran-doontid kooraska FOREX TRADING:
Fahamka suuqyada Forex iyo lacagaha.
Sida loo akhriyo shaxda Forex oo loo falanqeeyo isbeddellada.
Istaraatijiyadda maareynta khataraha si loo ilaaliyo maalgashiyadaada.
Xeeldheer ganacsi oo loogu talagalay faa'iidooyinka ugu badan.
Hadafka Kooraska:
Inaan ku siino dhammaan qalabka iyo aqoonta aad ugu baahan tahay si aad u ganacsato Forex oo aad lacag joogto ah uga hesho internetka.
Waqtiga Kooraska: 3-Bilood/4-Bilood ugu badnaan.
Qiimaha Kooraska: $25, 1mar keliya la dhiibaayo. Qiimo dhimista waqti kooban ookeliya ayey socon, Qiimaha rasmiga ah ee kooraska waa $50, Kafaaideyso inteysan qiima dhimistu xirmin.
QAABKA LOO QAATO KOORSOOYINKA
Waxaan si qoto dheer u fahansanahay caqabadaha ay ardayda Soomaaliyeed ka soo wajahaan Barashada Xirfadaha Dijitaalka ah, gaar ahaan marka ay tahay isticmaalka mareegaha casriga ah. Taasi waa sababta aan koorsooyinka ugu diyaarinnay si sahlan oo ku habboon baahiyahaaga.
Marka aad iska diiwaangeliso koorsadayada, waxaad heli doontaa marin gaar ah oo kuugu fududeyn doono inaad wax baratid adiga oo isticmaalaya Telegram Course Bot. Boggaan Telegram-ka ah wuxuu kuu soo bandhigi doonaa casharro habaysan, oo waxaad heli doontaa fiidiyowyo iyo agab waxbarasho oo si fudud loo fahmi karo, isla markaana kuu sahlaya inaad si tartiib ah horumar u sameyso.
Ma jirto baahi loo qabo inaad la daalaa dhacdo website-yada adag ama tiknoolojiyada kale ee cakiran. Wax walba waxaa laguugu diyaarin doonaa Telegram-ka, si aad casharrada ugu hesho isla markiiba oo aad ku raaxaysato barashadaada, meel kasta oo aad joogto. Waxaan ka dhignay habkan mid aad u habboon, si ay kuugu fududaato inaad si dhakhso ah u barato xirfadaha aad u baahan tahay si aad lacag ugu kasbato mustaqbalka dhow.
Sideen isku Diiwaangeliyaa?
Guji badhanka Telegramka si aad noogala soo xiriirto Telegram-ka wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan koorsooyinka iyo sida la iska diiwaangeliyo.
Marka lacagta aad bixiso, waxaa lagugu dari doonaa CHANNEL-KA Kooraska, halkaas oo aad si degdeg ah u bilaabi karto barashadaada iyo horumarinta xirfadahaaga.
FAAHFAAHIN DHEERAAD AH, HABKA IS-DIIWAANGELINTA.
Si aan Kuu diiwaangelino oo aad Shuruudaha usoo buuxisid Fadlan Guji Mid Kamid ah Link-yada Hoose ee ku xusan Magaca Xirfadda aad Daneyneysid inaad Noloshaada Ku badasho. Link-gu Waa Telegram Contact-ga Lagaa Caawin doono si Laguula Wadaago Shuruudaha iyo Qiimaha aadka Raqiiska u ah, Kadibna aynu Si toos ah Kuugu Soo Darno Telegram Channel-ka aan Kugu Bari Doono Xirfadda. MAHADSANIDIIN.