Ciid Mubaarak Dhamaan ummada muslimka gaar ahaan soomaalida meel kasta ee aad caalamka ka joogtaan Cidul Fitri wanaagsan 1433H,
sifiican ayaa maanta looga ciiday Jarmalka gaar ahaan inaga magaalada munchen ayaan si nabad leh ugu tukanay salaadii ciida kuna duceesanay, halkan waxa idin kaga muuqda qaar kamida saxiibada magaalada...
münchen.02.05.2022
kahor kulankii MD xasan sheekh M. Crown Prince of the Emirate of Abu Dhabi. Midig. Abduqadir, Timoos, ilyaas, Bashir ,Farax, Botan,
Dhamaadkii sanadii 2015. Maalin aad iigu wayn waxan kulanay saxibadii iskoolka Dugsiga sarre iyo kubadda cagta, in mudo ah inaga oo is aran ayaan maalinkaan waqti kuwada qaadanay xeebta liido oo markii igu wardamsay ahayd meel laga baqo, sawirka waxa igula jira Shiikha iyo Cumar sidoo kale kulankaan waxa nagu wehliya saxiibkeey Siidkaay iyo Zaki oo iyaga aan sawirkan ka muuqan,
Sanadii 2016 dalka Turkiga gaar ahaan magaalada istanbuul maalin ciida oo an saxibada dooni wada raacnay.
xilli barqa ah qoraxdu sifiican ayay usoo baxday neecaaw udgoon ayaa kasoo kacaysa badda oo ay dhinacyadu ka qabanayan guryo gaagaabn oo aad loo naqshadeyey,waa meel indha u roon.
2014 habeen aanu duubnay barnamija fanka ciida , marti waxa nogu ahaa fanaanin kala duwan, sawairka waxa igu wehliya abduqadir iyo anwar
barnaamijkaasi waxa si toosa looga sii daayay tga Kalsan caruntiisa muqdisho,
Regensburg Germany
Sanadii 2018-kii Maalin ciida waxanu booqanay Magaalada Regensburg oo uu maro webiga Danube oo ah wabiga labaad ee ugu wayn yurub, waxa uu maraa dalalka Austria.Bulgaria.Croatia.Czech Republic. Germany.Hungary Romania.Slovakia.
doomaha waawayn ee halkan ka baxa waxa ay si toosa kuu geyn karaan wadamada qaar ee yurub ka tirsan waana gaadiid dad waynahu raaco, sidoo kale xamuulka waa ay marayaan wabigani.
Dubai UAE
Sanadii 2014 Dubai UAE, shirkii Burbcad baddeed ee looga hadlayay sidii looga sifeyn lahaa xeebaha soomaaliya iyo badd waynta Hindiya oo ay markaa dhibaatooyin badan ku hayeen, kudhowaad 55 dowladood iyo Midowga Yurub Maraykanka ururka Nato ayaa goob joog ka aha, dowlada soomaaliya heer federaal iyo MD waa joogeen, sawirka wa aniga abduqaadir iyo shabcaan,
shirkani natiijo fiican in laga gaaray ayaan filayaa, wixii ka dambeeyey xeebaha soomaaliya aad ayay ugu yaraadeen afduubashada maraakiibka isaga kala goosha halkaasi.
wada hadaladan lagu sugaayo amniga baddaha oo ay dowladu Imaaraatka garwadeenka ka ahayd waxa uu soo bilowday dowladii sheekh shariif sheek ahmed ,ugu dambayna dowladii xasan sheekh mahmuud ayaa soo gabagabaysay,
waxad igala soo xariiri kartaa Kamalhh13@gmail.com
Ciid Wanaagsan Dhamaantiin
Maanta oo ah Maalin farxadeed ciidul Fitri sanadka 1443h si wayn ayaa looga Ciiday dunida mulismka oo idil gaar ahaan dalkeenii hooyo soomaaliya, dhamaan soomaalida ku dhaqan dal iyo dibad siwanaagsan ayay u ciideen farxada iyo damashaadka maalinka ciida ayaana qof walba laga dareemayay, intii aan arkay ama ismaqalnay,
ciidan oo wadata farxadeeda gaarka ah ayaa kusoo aadaysa xili dalku uu ku jiro doorashooyin sar sare oo ay qayba kamida ahi soo dhamaatay sida, hogaanka gollayaasha Barlamaanka labadda aqal ee JFS, waxa keliya ee maalmaha soo socda la filan karo waa qabsoomida Doorashada Madaxwyanaha dalka hogaamin doona afarta sana ee soo socato haduu eebe idmo,
haddaba waxaa magaalada Muqdisho laga dareemaya ollole doorasho aad u xoogan oo ay murashaxiintu siyaaba kala duwan uga wadaan magaalada, waxaasa si kaduwan murashaxiinta kale ollolahiisa doorasho loo dareemayaa Madaxwayne Xasan sheekh oo kamida kuwa ugu cadcad sanadkan in kusoo boxaan dorashada,
kulankii maanta ee boqolaalka dadwayne salaada ciidul fitriga kusoo isugu yimaadeen Xarunta xisbiga UPD ayaa ahayd arin ku cusub indhaha iyo dhegaha bulshada soomaaliyeed, arinkaasi waxa ay ka midtahay taageerada buuxdo ay ka heleen bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay waqti badan hore u galiyeen, siyaasada xisbiga iyo aragtida madaxwyanaha oo hore u ahaa macalin jaamacadeed ayaa ku salaysan in dalkan horumarkiisa uu ku jiro dhiiralinta dhalinyarada iyo kor uqadista wacyiga bulshada ay ka haystaan dowladnima.
sida laga dareemaayo Xisbiga UPD waxa uu mar hore diirada saaray kasbashada caqliga iyo maanka dadka intooda badan, sanadadii lasoo dhaafay waxa la arkayay kulamo gaargaar ah uu xsibiga la yeelanayo bulshada qaybaheeda kala duwan, aqoon iswaydaarsi ayuu u sameenayay dhalinyarada aqoonta leh kuwooga xiiseeya siyaasada iyo ka qayb qaadashada dowlad dhiska soomaaliya, odayaasha dhaqanka iyo cuqaasha ayay kulamo gaargaar ah kula hadleen, sidoo kale ganacsatada ayay ku booriyeen muhiimada ay leedahay in ganacsatadu dhistaan dowlad ay iyagu naftooda iyo dalkooga ku horumarin karaan, haweenka iyo dhalinyarada yaryar waxa ay siiyeen fursado waawayn oo ay kaga soo muuqan karaan saaxada siyaasada soomaaliya, sida dhawaan uu xisbiga ugu guulaystay tageerada gudoomiye xigeen BJFS sacdiya salaad oo noqatay tariikhda soomaalida gabadhii ugu horaysay ee kasoo muuqata gudoonka baarlamanka soomaaliya.
Maxay tahay sababta uu Xisbiga UPD uga tageero badanyahay xisbiyada/ murashaxinta kale ama sikale hadaan u dhigno Xasan sheekh Mohamuud muxuu murashaxiinta kale uga magac dheeryahay, maxaana sababay in ay taageero buuxdo ka helaan dadka kuwooga ugu magaca dheer siyaasi, odayaal dhaqan, aqoonyahano, ganacsato, haweenka iyo dhalinyarada ?
labada arimood ayaan taas kusoo koobi karaa.
mide waa xsibigiisa oo ah mid ku dhisan ahdaaf siyaasadeed huwan aqoon cilmi diini iyo maadi intaba, marka aad eegtana waa xisbi ay ku midoobeen bahda aqoonta iyo cilmiga, sidoo kale dadka kuwooga aaminsan tixgelinta kala duwanaashada hab fikirka aadanaha iyo dimoqraadiyada, dadka waxgaradka ah ee xaiiqada caalamka ka jirta ku dul-nool ayaa ah xubahana ugu badan kusoo biiray dhowrkii sano ee lasoo dhaafay,
mida labdaase waxan dhihi kara guulwayn waxa uu gaaray xisbiga marka dadku arkeen hogaankiisa oo ah madaxwayne hore ee dalkan si wanaagsan ugu soo shaqeeyay, waxana lagu xasuusan karaa in uu qof walba tuuladiisa ugu geeyay maamul uu isagu leeyahay ( faderaalaynta dalka ) maadaama soomaalida dhibaatadii soo kala gaartay sabab u ahayd dowlad dhexe oo xukunka iyo adeegaba isku koobtay.
bulshada maanta joogta waxa ay soo gartay wacyigeeda heer ka sareeya sidii shalay la ahaa, su,aalaha ay iswaydiinayaan ayaadna ka dareemi kartaa marka laga hadlaayo dowladnimada soomaaliya iyo siyaasiga ay u baahantahay nuuca uu yahay, mana dhagaysan doonaan madaxda kuwooga amaanta jecel ee lagu hurdisiiyo heelada iyo musica isagoo aan waxba kusoo kordhin wixii loo dhiibay in uu haadan ka tuuro mooyee.
madaxwayne hore xasan sheekh amaan iyo caay inuu adeegsado kuma salayn siyaasidiisii shalay iyadoo darfaha la haysto ayuu qabtay howlo ay adagtahay in uu qabto kii ka dambeeyay doorashada iyo aminga ayaa ka xusi karnaa, maantana sidoo kale waa ka go,an in uu bulshadan ka bixiyo dhibtaada hogaan xumo hadii uu helo fursat kale uu dalkan ku hogaamiyo.
waxan taageersanahay sare u qaadida cabirka aragtida xorta ah, xoriyada hadalka, fikirka iyo is dhegeysiga, sidaa daraadeed waxa muhiimm ah in xildhibaanadu noo dooraan qof tixgelin kara intaas taageeri karana kala aragti duwanaashada bulshada iyo siyaasiyiinta.
W/Q.kamal Hassan