Dib u Dhiskii

 

Dagaalkii 2-aad ee Adduunku aad buu u saameeyey Nederland. Ameerika ayaa Yurub, oo Nederland kamid tahay caawisay. Maraykanku wuxuu sameeyey qorshe loogu magac daray Marshallplan. Lacag badan ayuu Nederland amaahiyey si waddanka dib loogu dhiso. Amaahdan markii dambe caawimaad ayaa laga dhigay. Tan iyo arrimo kaleba waxay sababeen in waddanka dhaqaalihiisa dib loo dhiso. Gaar ahaan sannadihii kontomeeyadii dhaqaalaha Nederland aad buu kor ugu kacay.

 

Kala qaybsanaantii

 

Kahor dagaalkii 2-aad, ilaa iyo sannadihii lixdameeyadii Nederland waxay ahayd bulsho aad u kala qaybsan. Nederland waxaa ka jirey kooxo badan oo kala duwan, kuwaasoo isku barbar noolaa. Kooxahani is dhex gal badani kama dhexayn. Koox kastaa waxay lahayd hay'ado, raadiyaal, joornaalo, iyo ururo siyaasadeed oo u gaar ah, si ay dabeecadooda gaarka ah u ilaashadaan. Dhinaca madaxda dawladda dabcan waxay ahayd in la wada shaqeeyo. Ugu yaran saddex kooxood ayaa jirey: Kaatooliga, masiixiyiinta protestanka ah, Socialist-taha, iyo liberalka, ama kuwa siyaasadda furfuran.

 

Nederland waxay noqotay waddan aan diinta Kiristaanka ku dhaqmin

 

Laga bilaabo sannadihii lixdameeyadii xagga siyaasadda aad baa Nederland wax isaga bedeleen. Waxaa dhashay ururo siyaasadeed oo cusub. Kala qaybsanaantii way yaraatay. Ururradii siyaasadeed ee diinta kiristaanka ku dhisnaa taageero badan ayay dhumiyeen. 1972-dii kala badh dadkii 1963-dii taageerayey ayay lumiyeen. CDA ayaa ahayd ururka siyaasadeed ee masiixiga ah ee ugu weyn, wuxuuna ururkani go'aan ku gaadhay inay dadyowga kale, sida muslinka, hinduuga iyo kuwa wax kale aaminsaniba kamid noqon karaan. Sidaas daraadeed ururkan siyaasadeed ilaa iyo berigaa waxaa si tartiib ah uga lumay dabeecadiisii masiixiyadda ku dhisnayd.

Sannadihii toddobaataneeyadii waxaa ugu magac weynaa ra'iisul wasaare la odhan jirey Den Uyl (PvdA). Sannadihii siddeetamayadiina waxaa siyaasadda waddanka aad lug ugu lahaa ra'iisal wasaarihii la odhan jirey Lubbers (CDA). Sannadihii sagaashameeyadiina ra'iisal wasaare Kok (PvdA). Gaar ahaan sannadaha ninkani madaxda ahaa waxaa la hirgeliyey sharciyo badan oo 'liberal' ah, ama furfuran. Doorashadii dhacday 1994-tii ayaa ugu horraysay inuu dhasho inay waddanka xukumaan isbahaysi ururo siyaasadeed oo aanay ururka siyaasada ee Kiristaanku (CDA) ku jirin! Laga bilaabo 2002 ilaa iyo hadda dawladii waddanka isaga dambeeyey waxaa hoggaaminayey Jan Peter Balkenende (CDA).

 

Sida dawladda loo sameeyo

 

Xagga siyaasadda Aqalka Baarlamaanka (De Tweede Kamer) ayaa qayb muhiim siyaasadda ka qaata. Gollahani 150 xubnood ayuu ka kooban yahay, oo afartii sannoba hal mar ayaa la soo doortaa, waxaana soo doorta dadka reer Nederland. Xisbiga siyaasadeed ee doorashada ugu badiya ayaa xisbiyada kale ka doorta mid ay la shaqeeyaan, labadan xisbi ayaana dawladda sameeya (wasiirrada iyo xog-hayayaasha). Dawladdana waxaa la xisaabtama Golaha Baarlamaanka (De Tweede Kamer).  Ra'iisul wasaaraha ayaa ah guddoomiyaha golaha wasiirrada. Haddii Golaha Baarlamaanku uu wasiirrada midkood kalsoonida kala noqdo, waa inuu wasiirkasi is casilaa. Baarlamaanka Nederland wuxuu ku yaalaa magaalada Den Haag, meesha uu waddamada kale baarlamaankoodu caasimadaha degan yahay.

Subpages (1): Nederlandse vertaling