Dagaalkii 1-aad ee Adduunka Nederland badankeedu way ka badbaadey, dadkuna waxay rajeynayeen inuu kii 2-aadna saa noqdo. Nederland-na waxay qaadatay siyaasadii dhexdhexaadka ahayd, sidaasoo ay tahay 10-kii May,1940-kii ayaa Jarmalku Nederland dagaal ku soo qaaday. Ciidammada Nederland si fiican umay hubaysnayn. Boqoraddii markaa ee Nederland Wilhelmina Ingiriiska ayay u baxsatay. Iyada iyo wasiirradiina London ayay dawlad xaalad degdeg ah ka sameeyeen. 14-kii May, Jarmalku waxay bam la dhaceen magaalada Rotterdam. Halkaa 800 oo qof ayaa ku dhintay, 78,000 qof oo kalena way ku guryo waayeen. Markan kaddibna ciidamadii Nederland way is dhiibeen.

 

Jarmalku maamul ayay Nederland ka sameeyeen, kaasoo uu madax ka noqday nin reer Austria ah oo la odhan jirey Arthur Seyss - Inquart. Markii hore nin degan buu iska dhigay, isagoo rajeynaya inay dadka reer Nederland dhinaca Jarmalka dooranayaan. Waxaa runtii jirey dad reer Nederland ah oo doonayey inay Jarmalka la shaqeeyaan. Waxayna la baxeen magaca NSB. Xaalladiise si tartiib ahay uga sii dartay. Xisbiyadii kale oo dhan waa la mamnuucay. Silcintii dadka Yuhuuda ah ayaa sii korodhay. Dagaalku markuu muddo sii socday waxyaalihii daruuriga ahaa oo dhan way yaraadeen. Cunto yaraan ayaa dhacday. Jiilaalkii ugu dambeeyey ee dagaalkii labaad (1944-1945) aad bay xaalladu u sii xumaatay. Wakhtigan waxaa kaloo loogu yeedhaa jiilaalkii gaajada, waayo, dad labaatan kun gaadhaya ayaa gaajo u dhintay.

 

Silciskii lagu hayey dadka Yuhuuda ah ayaa sii batay. Yuhuudu waxay ahayd inay marka hore is qoraan, taasoo ay badankoodii sameeyeen. Dadka reer Nederland tan dhib umay arag. Laakiinse isla

markii Jarmalkii xog ku filan uruursadeen, dabeecadoodii waa is bedeshey. Yuhuudii waa la soo uruuriyey, waxaana loo dhoofiyey xeryihii Yuhuuda lagu uruurin jirey ee ku yaalay Jarmalka iyo Poland. 100,000 oo qof oo kamid 140,000 kii Yuhuudii Nederland ku noolayd ayaa la dilay. Mid kamid ahi waxay ahayd gabadhii Anne Frank la odhan jirey. Caan bay markii dambe ku noqotay buuggii ay dhacdo maalmeedkeeda ku qori jirtey, markii ay Jarmalka ka dhuumanaysey.

 

Wakhtigu markuu sii socday Nazi-ga caddaadiskiisii wuu sii batay. Gaar ahaan dadkii shuuciyiinta ahaa ee reer Nederland ayaa la dagaalamay Nazi-gii. Joornaalo ayaa si qarsoodi ah loo daabacay, raadiye luuqada Nederland ku hadla oo London xaruntiisu tahay ayaa la sameeyey, kaasoo la odhan jirey Radio Oranje, boqoraddii Wilhelmina raadiyahan ayay dhiiri gelin dadka u soo marin jirtey. Dadka reer Nederland ayaa si qarsoodi ah Yuhuuda meelo ay ku dhuuntaan u siin jirey, inkastoo haddii taa lagu arko ay dil ahayd. Dad badan oo gobanimo doon ahaa ayaa wakhtigaa la dilay. Si kastaba ha ahaatee dad yar ayaa si ficil ahaan ah, ama si qarsoodi ahba ula dagaalamay gumaysigii Jarmalka.

 

1944-tii ayaa Nederland xagga webiyada waaweyn laga xoreeyey, dhulka intaa ka sareeya waxay ahayd inay wakhti sugaan, ilaa iyo May 1945-tii. Ka ugu caansani waa weerarkii fashilmay ee Arnhem. Xooggagii gaashaanbuurta ahaa waxaa meeshaa ku jebiyey Jarmalkii. Horraantii 1945-tii ayaa haddana weeraradii Ciidamadii gaashaanbuurta ahaa bilaabmeen. 5-tii May, 1945-tii ayaa Nederland la xoreeyey. 6-dii May, 1945-tii ayaa Jarmalkii Hotel De Wereld oo Wageningen ku yaala ku saxeexeen in laga adkaaday. Qaar kamid ah kuwii reer Nederland ee Jarmalka la shaqayn jirey dadkii ayaa soo qabtay oo iyagoon maxkamad saarin laayey, ama siyaalo kale u ganaaxay.

 

 

Corrie Ten Boom iyo cafiska