Qarnigii Dahabiga ahaa waxaa Nederland lahayd Kambani la odhan jirey mashruucii Nederland (de VOC), kaasoo maarayn jirey baayac-mushtarkii ka dhexayn jirey Yurub iyo Aasiya. Waxyaalaha laga ganacsan jirey waxaa kamid ahaa waxyaalaha raashinka lagu daro, kofeega, shaaha, iyo waxyaalo kale. Waddankii Java(Indoniisiya), ayaa waxaa laga sameeyey meel arrimahan xarrun u ah, taasoo Batavia la odhan jirey. Meesha la yidhaahdo Lelystad waxaa ku yaal Batavia-werf, ama geerashkii Batavia, halkanoo lagu sameeyo maraakiibtii Qarnigaa Dahabiga ahaa la isticmaali jirey.

 

Koonfurta Afrika

Socdaalkii baayac-mushtarka ee Nederland iyo Aasiya aad buu u dheeraa, sidaa daraadeed meelo lagu nasto ayaa jidka laga samayn jirey. Meel kamid ah meelaha lagu nasan jirey waxaa kamid ahaa de Kaap de Goede Hoop taasoo ku taala Koonfurta Afrika. Meeshan oo markii dambe kamid noqotay meelihii Nederland gumaysatay. Dad badan oo caddaanka Koonfurta Afrika ah ayaa weli ku hadla luuqadda 'Afrikaans'. Luuqaddani waxay aad ugu dhowdahay luuqada Nederlands. 'Afrikaans'-ku waa luuqadda dawladda Koonfur Afrika isticmaasho, waxaana ku hadla dad gaadhaya 6,5 milyuun oo Koonfur Afrikaan ah.

 

Indonuusiya - "Hindiyadii Nederland"

Indonuusiya waxaa berigii hore la odhan jirey 'Nederlands Indie', ama 'Hindiyadii Nederland'. Nederland ayaana muddo dheer meeshaas gumaysan jirtey, luuqadda Nederland-kuna waxay ahayd khasab in la barto. Carruurta oo dhan waxay ahayd inay iskuulka tagaan, addoonsigiina waa la mamnuucay. Laakiinse waxaa jirey is fahan la'aan badan. Dad badan oo reer Nederland ahna arrintaasu ceeb bay ku tahay. Dagaalkii labaad ee adduunka kaddib Indonuusiyaanku waxay doonayeen inay xornimo qaataan, taasoo Nederland aad u diidanayd. Ugu dambayntiina waxaa madaxbanaanidii Indonuusiya la ogolaaday 1949-kii.

 

Surinaam

Surinaam waa jamhuuriyad. Waxay ku taalaa xeebaha Koonfur-Bari ee Koonfurta Ameerika. Laga bilaabo 1975-tii Surinaam waxay ka tirsanayd boqortooyada Nederland. Ilaa iyo hadda luuqada Nederland ayaa lagaga hadlaa, dawlawladuna ku shaqaysaa. Dad reer Surinaam ah oo 350,000 gaadhaya ayaa Nederland ku nool, kuwaasoo tiro ahaan ku dhow kuwa Surinaam ku nool! Meelo badan oo Surinaam ayaa ku xusuusinaya saamaynta Nederland waddankaas ku leedahay. Waxaa jira meelo leh magacyada ay kamidka yihiin Alkmaar, Katwijk, Wageningen, nieuw - Rotterdam iyo Post - Utrecht.

 

De Nederlandse Antillen

Meesha Nederlandse Antillen waa toddoba jasiiradood, kuwaasoo kala ah: Bonarie, Curacao, Saba, Sint Eustatius en Sint Maarten. Jasiiraddahani waxay ka tirsan yihiin boqortooyada Nederland. Waxaa kaloo jira jasiiradda Aruba. Is xukun dheeraad ah ayay leedahay jasiiraddani, marka shanta kale la barbardhigo. Jasiiraddahan oo dhammi waxay ku yaalaan gobolka Kariibiyaanka, luuqadda Nederland ayaana lagaga hadlaa. Dad badan oo reer Antillen ah ayaa ku nool Nederland oo luuqada waddankan wax ku barta.

Subpages (1): Nederlandse vertaling