Kala qaybsanaantii Reer Nederland

Qaybtii hore ee qarnigii 18-aad xaallada Nederland ma wanaagsanayn. Waxaa jirtay kala qaybsanaan gudaha ah, laba kooxood ayaana loo kala jabay. Kooxda hore waxay doonaysay in Aqalka reer Oranje (oo marka dambe aqalka boqortooyada noqonaya) la siiyo awood dheeraad ah. Kooxda kale oo isku magacaabay gobanimo doonkii, waxay doonayeen in Aqalka reer Oranje awoodiisa la dhimo, oo dimoqraadiyad dheeraad ah la helo.

 

Faransiiska ayaa ka taliyey Nederland

1795-1813 Faransiiska ayaa Nederland u talin jirey, sidaa daraadeed ayaa wakhtiga wakhitigii Faransiiska loogu yeedhaa. Kaysarkii Faransiiska walaalkiis oo Napoleon Lodewijk la odhan jirey ayaa halkan ka talin jirey. Laga bilaabo wakhtiga qof kastoo reer Nederland ahi magac labaad ayaa la siiyey, guri walbana lambar ayaa loo sameeyey. Dad badan ayaa u malaynayey inay arrintani ku meel gaadh ahayd, sidaa daraadeed aad ugumay sii fiirsan. Sidaa daraadeed magacyo yaab leh ayay la baxeen, oo koodii ku darsadeen.

 

Boqorkii 1-aad ee Nederland: Willem 1

Willem 1 ayaa 1815-kii noqday boqorkii ugu horreeyey ee Nederland. Markaa laga bilaabo Nederland waxay noqotay boqortooyo. Taasoo ka dhigan: Waddanka waxaa xukumayey boqor. Willem wuxuu ahaa nin karmeed. Isaga ka hor Nederland dhaqaaleheedu aad buu hoos ugu dhacay. Laakiinse wuxuu dib u soo dhisay baayacmushtarkii iyo wax soo saarkii.

 

Kacdoonkii Belgium

Berigaa Nederland sida ay hadda tahay way ka duwanayd. Waddanka hadda Belgium la yidhaahdoo berigaa Nederland ayuu kamid ahaa, laakiinse reer Belgium waxay dareemeen inay la cadaadiyo. Kala duwanaanshaha labada dadyowna waxaa sii muujiyey Faransiiska. Faransiisku wuxuu u arkayey in koonfurta Nederland (Belgium) ay Faransiiska kamid noqoto. 1830-kii kacdoon ayay reer Belgium sameeyeen. Dagaalkii markuu dhowr maalmood socdayna Willem wuu is dhiibay, oo wuxuu ogolaaday in Belgium madaxbannaani hesho.

 

1848-dii waxaa la sameeyey dastuur cusub, kanoo aasaas u ah demuqraadiyada baarlamaaniga ah ee Nederland. Laga bilaabo wakhtigaa boqorku ma laha masuuliyada sharciyada, laakiinse waxaa ka masuula wasiirada. Ninkii xisbiga liberal-ka ka ka tirsanaa ee Johan Thorbecke la odhan jirey ayaa arrintan qayb libaax ka qaatay. Is-beddel weyn oo tani samaysay waa madax-banaanida qofku u leeyahay inuu doorto waxbarashada uu rabo iyo caqiidada uu rabo.

Subpages (1): Nederlandse vertaling