Qalinle
             Cirguduuda waagiyo
Timirtoo casaatiyo
Canabka oo bislaadiyo
Cilara isku baxa iyo
Doombir caana galisiyo
Ubax caynba cayniyo
Waxaad tahay cadceedoo
Beeraha cagaarka leh
Cambaha iyo caadkii
Ku cadaysay nuurkee
Calafwaa calafwaa halkiisee
cashaqan iskeen baray
Haygu carinin anigee
Ku cubtaye manabadbaa

             Saado Ali
             Haduu caawa igu yiri
Badda cagaha galiyoo
Timaha caarada u sooh
Soo xiro cunaabiba
Sadexqayd cartiloon
Wali caarya jabin iyo
Cambarsho iyo laasimo
Sindi ceeri gaabiya
markuu cududa iisudhay
Ilacaarid anigee
Galafwaa calafwaa halkiisee
Caashaqan iskeen baray
Haygu carinin anigee
Ku cubtaye manabadbaa

            Qalinle
             hogol curatay deeyroo
lagu ciirshey geediyo
wadada ku hoortiyo
intey xaadhey ayda
cosobkiiyo barwaaqada
cidu nabad ku dhaaftoo
farxad lagu caaweeyoo
udgoonkii cuudkii
ayaad ii cajabisee
calaf waa halkiisee
caashaqan iskeen baray
cawadii aduunkaay
igu curay siidii roob

Saado Ali
hayin nacasa mooyee
gaaridu ma caasido
curadkii hagaagee
ciida u shaqeeyee
dalka caabiyaayee
sidaad caynkanaad tahay
cudurkana daweeyee
haduu yidhi ilmadadaa
ha cabine biyaha diid
cudur weeye halisee
calaf waa halkiisee
caashaqan iskeen baray
haygu carirnin anigee
ku cugtaye ma nabadbaa

CUNAABI
Saado Ali Warsame