Kusoo Dhawaada ELD Lagu Dhiganayo Dugsiga Sare ee Woodroffe
Su’aalaha laga yaabo inaad qabto ee ku saabsan Dugsiga Sare
Waa maxay ELD?
ELD waa fasal dugsiga sare ah kaasoo kaa caawinaya inaad barato sida loo akhriyo, qoro looguna hadlo Ingiriisiga.
Fasalada ELD waxa ay leeyihiin saacado waxayna kuu diyaarinayaan adiga koorsooyinka kale sida xisaabta, sayniska, ama cilmiga bulshada.
Fasalada ELD waxa ay u habaysan yihiin heerar, ka bilaabmaya bilaw (ELDA) illaa heersare (ELDE).
Fasalada ELD waxa loo qaabeeyay si ay uga caawiyaan dhallinyarta iyo da’yarta qaangaadhka ahi inay wax bartaan.
Yaa ku jira ELD?
Ardayda ku hadla luuqado badan.
Ardayda doonaysa inay bartaan sida loogu hadlo, akhriyo loona qoro Ingiriisiga.
Ardayda dadaalaya iyo kuwa xiisaha u haya.
Ardayda aan u helin fursad inay tagaan iskuulka ama hakad uu ka dhexgalay waxbarashadooda.
Ardayda ku cusub Kanada.
Maxaa aan baran doonaa?
Sida wax loogu barto iskuulka
Sida loo akhriyo waxyaalo kala duwan oo nolosha iyo iskuulka ah
Sida wax loo qoro
Sida loogu hadlo loona dhagaysto
Sida su’aalo loo weydiiyo
Sida loo istimcaalo chromebook iyo sida loo isticmaalo ablikayshanada kala duwan ee kombuyuutarka
Wax ku saabsan Ottawa iyo Kanada iyo mawduucyo ay ka mid yihiin xisaab, saynis, cilmi bulsho, noolaanshiyaha caafimaadka leh
Maxaa ay tahay sababta aan u qaadanaayo ELD?
Si aad ugu fiicnaato iskuulka iyo si aad ugu dareento nafis bulshadaada cusub
Inaad barato oo aad kobciso akhriskaaga iyo qoraalkaaga si aad arday ahaan u noqoto arday guulaysta oo aqoon fiican leh dugsiga sare, hadhawna koolejka, jaamacada, ama shaqadaba
Inaad samayso waxyaalo xaraabe ah -- tagto safaro, inaad la kulanto martida xiisaha leh ee khudbadaha jeedinaya, ka qayb gasho waxqabadyo kooxeedka, isku daydo xirfado cusub
Tilmaamaha Lagu Guulaysanaayo Fasalka ELD
La kulan oo la hadal arday kula fasal ah
Baro oo kobci akhriskaaga iyo qoraalkaaga
Ku hadal Ingiriisi dhagaysona Ingiriisi maalin kasta
Ku biir naadiyo, ciyaaro, kooxo
Ku raaxayso→ dadaal laakiin sidoo kale xaraabayso