Magool
Taariikh Nololeedka Halima Khaliif Magool
|
Xaliima Khaliif Cumar Magool, waxay ku dhalatey gobollada Dhexe gaar ahaan Beledweyne(in kasta oo la sheego iney ku dhalatey Deg. Dhuusamareeb) sanadkii 1943kii, halkaas ayeyna ku soo barbaaray , markii ay labaatan jirsateyna waxay ku biirtay fannaaniintii Gobollada waqooyi , halkaas oo ay gacan weyn ku siiyeen iney fanka qeyb weyn ka qaadato abwaanintii iyo fannaaniintii halkaas ku sugnaa oo ay ugu cadcaddaayeen Xusen Ow Faarax iyo Faannaankii weynaa ee Axmed Maxamed Good Shimbir. |